berberatoday.com
Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Oo Sheegay Inuu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ugu Hanjabay Gudoomye Cirro Inuu Dil-Toogasho Ah Ku Dilayo Iyo Nuxurka Dacwad Ay Xisbiga Wadani U Gudbiyeen Komishanka Qaranka
March 9, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Annaga oo ah madaxda Xisbiga WADDANI waxanu halkan si sharaf iyo karaamo leh ugu soo gudbineynaa Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland dacwad hanjabaad dil-toogasho ah oo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe 08/03/2016 shir ka socday xarunta Koomishanka Doorashooyinka Qaranka dhexdiisa isagoo ugu hanjabay inuu xabbad ku dhufanayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane: Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro).

Shirkaas uu Guddoomiye Eng Faysal Cali Waraabe ka sameeyay hanjabaaddaas dilka-toogasho ah waxa goobjoog ka ahaa shan xubnood oo ka tirsan Koomishanka Doorashoyinka Qaranka iyo todoba xubnood oo wakiilada saddexda xisbi qaran u jooga Koomishanka.

Hanjabaadda Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe waxay si toos ah xadgudub ugu tahay ammaanka iyo xoriyadda shakhsiyeed ee Guddoomiyaha Golaha Wakillada Somaliland isla markaasna ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, sidoo kale waxay khatar ku tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha guud ee qaranka iyo geedi-socodka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

Falkan uu ku kacay Guddoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe wuxu lid ku yahay qodobada dastuurka ah ee ay ka midka yihiin qodobka 24aad iyo 25aad oo sheegaya xuquuqda qofka muwaadinka ah iyo dhawrsoonaanta sharaftiisa, magaciisa iyo xuquuqdiisa qof ahaaneed, waxa kale oo uu lid ku yahay xeerarka dalka ee dammaanad qaaday ammaanka muwaadinka iyo Xasaanadda masuuliyiinta qaranka iyo ammaanka guud ee Somaliland.

Haddaba Koomishanka Doorashooyinka Qaranka oo dhacdadan hanjabaadda dilka-toogasho ahi ay ka dhacday xaruntooda isla markaasna goobjoog ahaa, waxa xil ka saaranyahay inay talaabada ku habboon ka qaadaan, sidoo kalena hay’adaha kale ee qaranka ee ay khusayso arrintani inay iyaguna talaabada ku habboon ka qaadaan waajibkoodana ka gudtaan dhacdadan.

Ugu dambayn Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxu u hoggaansanyahay dastuurka dalka iyo xeerarka ka farcama isla markaasna wuxu dhawrayaa anshaxa tartanka doorashooyinka, wuxuna tixgalin baaxad leh u hayaa go’aanada Komishanka Doorashooyinka Qaranka kasoo baxa

 

 

 

REF/XIS/WAD/XDH/2299/2015                                                                     Date: March 9, 2016

 

Ku: Koomishanka Doorashooyinka Qaranka                                                             =Hargeysa=

Og: Guddida Anshaxa Diiwaangalinta Ee Koomishanka                                          =Hargeysa=

Og: Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                                                            =Hargeysa=

Og: Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska

=Hargeysa=

Ujeeddo: Dacwad Hanjabaad Dil-toogasho Ah Oo Eng. Faysal Cali Waraabe Uu Ugu Hanjabay Guddoomiye Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro)

229776_1011988948869979_5293516958760463843_n.jpg

.

 

ALLA MAHAD LEH

 

 

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad  ee Xisbiga WADDANI

Md. Axmed Muumin Seed

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews