berberatoday.com
Sirdoonka Dalka Jabuuti Oo Ka Digay Ciidamo Iyo Hub Uu Ex.Wasiir Xirsi Ka Soo Dajiyo Dekada Maydh Iyo Xeebaha Bariga Somaliland
March 9, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warbaahinta Africaintelligence  ayaa baahisay in wasiirkii hore ee madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan looga shakiyey in uu ciidan ka soo dajiyey dakada Maydh,taas oo xidhiidh la leh markii uu ku guul daraystay khalkhalgalintii Xukuumadda Axmed Siilaanyo uu la damacsanaa.

xirsi1

Agaasimaha Amniga Qaranka Jabbuuti Xasan Saciid Khayre, ayaa sheegay in Xasan Madoobe uu ka dhisay deked la horumarinayo aagga Maydh ee gobolka Sanaag , taas oo sida muuqata loo dhisay soo-dejinta saanad fudud. Bishii Diseenbar ayaa ay kooxo Iraan iyo Yemeni ahi soo dejiyeen hub,kayd rasaas ah oo kala duwan iyo miinooyin.

Agabkan, oo markii hore u socday kooxda mitidka ah ee Al-shabaab, ayaa sida oo kale waxa iminka ka faa’idaysta kooxo ku xidhan jihaad-doonayaasha Dawladda Islaamiga ah ee Daacish.

Xogtan oo Somalida walaac galisay in ay kooxahani gabood ka raadsadaan dhulka aan la gali karin ee buuraha Galgala,oo ah buuro laga dayriyay.

Markaykanka ayaa la filayaa inuu dhawaan baadhis ka sameeyo deegaannadaasi,waana dekedii labaad ee nooceeda ah,marka lagu daro Ceel-Gerde.Sida ilaha ay heshay warbaahinta Africaintelligence sheegayaan,waxa hawshan maalgalinaya wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ,waxaana arrintan looga shakiyay inuu ku doonayo inuu degganaanan la’aan galiyo caasimada Somaliland ee Hargeysa,wax kasta oo ay ku qaadanayso,tan iyo wixii ka dambeeyay guuldaradii kala soo daristay isku daygisii uu ku doonayay in uu maamul ahaan afgembiyo xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

 

 

Xigasho Ilaysnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews