berberatoday.com
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Hanjabaadii Uga Timi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ee Ku Saabsanayd Inuu Dil Toogasho Ah Ku Dilayo
March 10, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga Wadani ayaa maanta ka hadlay hanjabaadii uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe usoo diray ee ahayd inuu dil toogasho ah ku dilayo iyo waliba diiwaangalinta codbixiyayaasha eek a bilaabmaysa gobolka Saaxil. Waxaana uu gudoomiye Cirro uu yidhi “Aniga iyo saaxibkay Faysal Cali ama Wadani Iyo Ucid waxaan saxaafada horkeenayaa iyo shacabka arinkaa maxkamada ku jirta shalay iyo maanta, waxay iska ahayd goloftankii  siyaasadda waanay iska dhamaatay, waanu soo afjarnay halkaasanay ku dhamatay aniga iyo saaxiibkayna gacmaha Ayaan is haysanaa, axsaabtuna waxay heshiis ku yihiin in hiigsigooda ay kaga dhabaystaan iyadoo shaqaaqo ay ka maqan tahay”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Cirro Dhanka kalena gudoomiye Cirro waxa uu ka hadlay diiwaangaliinta ka bilaabmaysa gobolka saaxil waxaana uu bulshada reer Saaxil ku baraarujiyay kuna dhiri galiyay inay qaataan kaadhka codaynta si ay qofkay arkaan inuu dalka wax ugu qabanyo ugu codeeyaan waxaana uu yidhi. “Munaasibadan aynu iskugu nimi ee daahfurka diiwaangalinta codbixiyayaasha gobolka Saaxil, waxaan runtii ku hambalyaynayaa gudiga doorashooyinka qaranka oo aan goob joog u ahayn labadii gobo loo horeba sidii wanaagsanayd ee hawshaasi usoo dhamaatay waanan ku hambalyaynaynaa komishanka, waxaana rajaynaynaa sidii wanaagsanayd ee ay uga soo dhamaatay goboladii hore inuu gobolkana uga bilaabmo uguna dhamaado hadii alle yidhaa”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Cirro Sidoo kalena gudomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray “Waxaan rajaynayaa waxii qabyo ah ee ka dhiman diiwaangalinta inaynu iskaga nimaadno komishanka, waxaan beesha caalamkana ka codsanaynaa inay waxii qabyo ah eek u saabsan gaar ahaan maaliyadda, ee ku saabsan daabacaada kaadhadhka iyo qaybintooda, inay naga cawiyaan oo noso dadajiyaan”Sidaas ayuu hadalkisa kusoo koobay Gudoomiye Cirro.   Si kasteba ha ahaatee gudoomiye Cirro ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu daah furayay diiwaangalinta codbixiyayaasha eek a bilaabmaysa gobolka saaxil oo ka dhacday magaalada berbera.

 

 

 
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews