“Waxa Saaxada Siyaasada Kusoo Biira Laba Gudoomie Xisbi Oo Layli Ah,Anaga Barigii Aan La Ordi Jiray Siilanyo Iyo Rayaale Fardo Ayaa Laygu Soo Dhaweyn Jiray”Eng. Faysal Cali Waraabe
March 11, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe ayaa Kaftan Siyaasadeed ku duray Gudoomiyayaasha Labada Xisbi Ee Waddani Iyo Kulmiye Isagoona Ku tilmaamay Gudoomiyayaal Layliya oo aan Siyaasada Ubislaan.

Geesta Kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharax Madaxweynaha Xisbigaas Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna Kaftankii Siyaasadeed ka Jawaabay isaga oo tilmaamay inuu Faysal Cali Waraabe Yahay Oday waaya Araga oo Laba Jeer Utartamay Madaxweynenimo oo dhacay Balse Had uu Teeramkan Guul Urajaynayo. Waxaana Hadalka Muuse Biixi Laga Dheehanaayay inuu Dedefaynaayay Musharaxnimada Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen isaga oo ucumaamadayay Eng. Faysal Cali Waraabe oo aan haba yaraatee aanay ubanaanayn inuu mar sadexaad isa soo sharaxo.