berberatoday.com
ISBEDELKA CIRRO KU BAAQAYO MUXUU UGA SAMEYN WAAYEY GOLAHA WAKIILADDA EE UU HOGAAMINAYEY 12 SANNO?
March 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Waxa nasiib daro ah umadda si cadaan ah beenta loogu sheegayo,rag ku fashilmay hogaaminta dalka oo hadana doonaya inay umadda u sheegaan waxaan laga arag, Gudoomiyaha WADANI oo ah ninka musharaxa ka ah xisbigaasi oo doonaya in uu dalka madaxweynenimo loo doorto ayaa waxa uu ku ololeynayaa in uu isbedel keenayo,marka su’aashu waxay tahay Cirro isbedelka uu ka keeni kari waayey golaha uu hogaaminayay mudadda dheer ee 12 sanno ah ma dal dhan ayuu isbedel ku keeni karaa? Miyaanay nasiib daro ahayn umad dhan oo aqoonyahankeedii,dhalinyaradeedii,waxgaradkeedii loo sheegayo wax aan jirin oo been cad,sheekada Cirro wado ma tahay mid ficilkeeda iyo qawlkeedu is waafaqsan yahay? Weli umaddu ma is weydiisay muxuu Cirro ku soo kordhiyey 12 sanno ee uu hogaaminayegolaha wakiiladda Somaliland? Ma sameeyey xeerarkii loo baahnaa ee horumarka umadda u horseedayey? Weli ma la isweydiiyey xildhibaanadda uu isagu ka mid yahay maxay dalka ku soo kordhiyeen?, hadaba waxaan aad uga xumahay shacabka aan dandiisa garaneyn ee maalinba nin dan leh oo hantidoodii ku ololeynaya ay dariiqyadda ugu soo baxaan,waxaan garan laayahay maxaa ku dhacay garaadkii umadda eek ala saarayey ninka wax u qabanaya ee ay ka dhabtahay isbedelku iyo ninka doonaya in kursiga looga kaca oo kaliya? Hadii uu Gudoomiye Cirro run umadda u sheegayo oo uu yahay isbedel doon maxaa u diiday in xeerarka muhiimka ah umadda u sameeyo,iyadoo la og yahay xitaa ilaa wakhtigan in uusan sameyn xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha wakiiladda ee kuraasta iskaga fadhiya mudadda 12 sanno ah?,xildhibaanaddu maalinta ay mushaharka kororsanayaan kooramkoodu wuu buuxaa,laakiin maalinta la soo hadal qaado xeer umadda wax taraya waa kooram la’aan,Gudoomiye Cirro miyuu awoodi waayey isaga ayaa hogaamiyihii golaha wakiiladda ah e in uu ugu yaraan gudiyo wada misaaniyadooda u saaro hadba xeerka ugu muhiimsan ee dadka iyo dalkaba anfacaya?, Su’aasha Jawaabtaasi waxaan u daynayaa akhristayaasha,akhriste waxa la yidhi Islaan ayaa laga Hayey xigmaddan oo tidhi wiilkaasi faadhaha weyni inantayda kamu dhali kari waayine wuu hagraday. Ugu danbeytii shacabka Somaliland ha baraarugaan oo maanta ayeysan noqon maalintii beenta loo sheegi lahaa,ha noqoto maalintii umaddu xaqiiqada waaji lahayn oo ay musharaxiinta ku qiimeeyaan taariikhda iyo sifayaasha dhabta ah ee midkasta leeyahay,aqoontiisa,kartidiisa,daacadnimadiisa,waayo-aragnimadiisa,dulqaadkiisa,ma yahay in umadda isku wadi kara? Ma yahay in umadda run u sheegaya? Hore umadda been miyuu ugu sheegay umadda? Waxqabadkisii hore hadii uu xil qabtay sidii ugu habooneyd ma u qabtay?

Qore: Maxamed Ibrahim

Email:maxamedibrahim5@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews