berberatoday.com
“DAWLADNA ANIGU KAMA GAR-DARNAADO, CIGAAL WUU IGA ADKAADAY, TANNA (DAWLADDA SIILAANYO) INAAN U DOOLAALO TAGO DIYAAR UMA IHI [LAAKIIN] KII IGU GAR-DARROODA WAAN ISKA WAABIYAA”
March 14, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

“[Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo] Wax [Gar-darro] Igaga Yimi Ma Arkee Hadday Igu Soo Socdaan-na…..”

-Saleebaan Gaal Oo   Su’aal Laga Weydiiyey Halka Ay Ku Dembeysay Mucaaradaddii Uu  Ku Caan Baxay Cahdigii Rayaalle Iyo Xukuumaddii Ka Horeysay Ee Marxuum Cigaalsaddex

Hargeysa (Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xafiiltankii siyaasadeed ee lasoo galay madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxana uu qiraal ka bixiyey guuldarrooyin kasoo gaadhay tartanno uu xilliyadaas u galay dhinaca kursiga dalka looga taliyo. Guddoomiye Saleebaan oo warbaahinta kula xafiiskiisa kula hadlay, ayaa sheegay inuu ka fogaado daan-daansiga hoggaamiyayaasha, balse haddii lasoo hujuumo uu jawaabtiisa bixiyo,“anigu dawladna kama gardarraado, tii ugu horraysay ee Maxamed Ibraahim Cigaal-na waanu baratanay waana iga dheereeyey oo waa iga adkaaday, tii dambena anigu nin-na kuma gardarroodo, kii igu gardarroodana waan iska waabiyaa, tanna wax gardarro ah oo iiga yimi ma arkee ma hadday wax igu soo socdaan. inaan halkaas ka doolaalo tagona diyaar uma ihi anigu” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa  marmar badan isku dayey inuu hoggaanka dalka tartan u galo, balse kuma uu guulaysan, waxana uu tartan adag lasoo galay madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland Marxuum Cigaal, balse xilliyadii xukunka uu qabsaday madaxweyne Rayaale waxa uu ku ruqaansaday dhinaca kursiga guddoomiyaha guurtida oo uu ilaa haatan ku fadhiyo.

Muddadii uu madaxweyne Siilaanyo xilka hayey, Ayaan guddoomiye Saleebaan laga arag mucaaradaddii uu caanka ku ahaa xilligii madaxweyne Rayaale, waxase uu  taas ku sababeeyey inuu ixtiraam ka helay madaxweynaha haatan talada haya oo aanu ku degdegaynin  inuu canjarafeeyo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews