berberatoday.com
Kulanka Saamilayda Shirkadaha TELESOM GROUP oo ka dhacay Hargeysa+Sawirro
March 14, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeisa-(Berberatoday.com)- Waxa lagu qabtay maanta Magaalada Hargeysa (13th March, 2016) xaflad ballaadhan oo ay isugu yimaadeen Saamilayda Shirkadaha Telesom Group, oo ka kooban Isgaadhsiinta Telesom, Baanka Daarasalaam, Shirkadda Gaaska Cuntada ee SOMGAS & shirkadda korontada

Telesom_groupy_managers

 

Kulankaasi oo ka dhacay Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb-galay

boqolaal ka mid ah saamilayda shirkadda Telesom, kuwaasi oo ka yimid Gobolada dalka oo dhan.

12

 

Waxa kale oo kulankaasi ka soo qaybgalay qaar kamid ah Golaha Maamulka Telesom Group &

Ujeedada kulanka ayaa ahayd Is xog-waraysi ku saabsan waxyaabaha shirkadda u qabsoomay iyo waxyaabaha qorsheysan sannadaha soo socda in laga midho-dhaliyo.

17

 

Mr. Cabdikariim Maxamed Ciid, oo ah Maamulaha Guud ee Telesom Group, oo kulankaasi ka

“Waxan u mahadnaqayaa Illaahay (swt) oo fadligiisa inagu siiyay guulahan aynu gaadhnay. Waxa inoo qorsheysan in aan sannadkan soo kordhino adeegyo cusub oo wax weyn ka tari kari doona ganacsatada oo ay kula socon karaan dhaq-dhaqaayqada ganacsigooda; kuwaasi oo iyada oo aanu kharash kaabayaal (infrastructure) ka gelin ay isticmaali karaan & adeegyo kale oo teknoolajiyaded oo casri ah oo sannadka badhtankiisa la daahfuri doono.”

14

Mr. Abdikarim waxa uu saamilayda kala hadlay shirkadaha dhowrka ee shirkadda Telesom ay

maalgelisay, waxana uu yidhi: “Waxaa inagu kelifay in aan shirkadaha kale maalgashi ku

sameyno. Waxaynu rabnaa in aan maalgelino markastaba majaal cusub oo aan hore loogu jirin

sida SOMGAS iyo Darasalaam Bank; oo hore aan dalka uga jirin baahi weyna loo qabay.”

Guddoomiye Cabdikariim, isaga oo sii faahfaahinaya ganacsiyada cusub ee dhowaan ay shirkaddu

bilaabi doonto kuwaasi oo wax weyn ka tari doona dhaqaalaha wadanka waxa uu sheegay in la

hirgelin doono Terminal (kaydka gaasta) ugu weyn Geeska Afrika oo laga sameyn doono Berbera,

kaasi oo wax weyn ka tari doona tamarta wadanka. Waxana ay socotay daraasadoodu 2

sannadood. Waxana uu sheegay in ay rajeynayaan in kaydkaasi uu ku filnaan doono dalka iyo

Ugu dambeyn, Maamulaha Guud ee Telesom waxa uu dardaaran u jeediyay saamilayda

Shirkadda, waxana uu yidhi; “Shirkaddu waxay ku socotaa horumarin shaqo qabad, curinta

teknoolajiyado casri ah iyo hanashada macmiilka. Sidaas darteed, saamilaydana waxa laga rabaa

in ay doorkooda qaataan, waxana ugu muhiimsan in ay noqdaan safiiro, si loo wada xaqiijiyo

ahdaafta aynu leenahay. Isla markaana wixii talo & tusaale ah loo soo gudbiyo xafiiska Xidhiidhka

20

Sidoo kale, waxa kulankaasi ka hadlay Maamulaha qaybta Isgaadhsiinta Telesom, Mr. Ciise

Maxamuud Faarax, waxana uu si faahfaahsan uga warramay adeegyada kala duwan ee ay

shirkadda Telesom bixiso; oo ah kuwo gaadhsiisan wadanka oo dhan. Waxa kale oo Mr. Ciise ka

warramay horumarka ay shirkaddu ka sameysay dhinacyada teknoolajiyadda, ballaadhinta

network-ga shirkadda & horumarinta adeegyada bulshada.

Ciise Maxamuud,oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi:- “Shirkadda Isgaadhsiinta waxa hoos

yimaada saddex qaybood oo muhiim Adeegyada Maaliyada, qayb ka mid ah Korontada,

Xawaaladda Zaad iyo isgaadhsiinta. Waxa ay ka hawlgashaa 349 xarumood oo wadanka oo dhan

-“Technology isbeddel xoog leh ayay ku socotaa. shirkadduna arrintaasi iyada oo ka dhabaynaysa

marwalba waxa uu keenaa isgaadhsiinta ugu dambeysa ee mujtamacu u baahan yihiin,” ayuu yidhi

Maamulaha qaybta Isgaadhsiinta ee Telesom, waxa uu sheegay in ay shirkaddu wadanka ka

hirgelisay adeegyo magac wanaagsan u soo jiiday wadanka sida ZAAD. Waxa uu yidhi: “ZAAD

waxa uu shirkadda u keenay sumcad weyn. Mulkiilaha Microsoft ayaa tilmaamay in uu jiro shirkad

Somaliland ka jirta oo soo bandhigtay adeegga ZAAD Services oo wax laga baran karo.”

 

Ciise Maxamuud, waxa kale oo uu sheegay in shirkadda Telesom ay lafdhabar u tahay shaqaale

xirfad & ammaano leh, kuwaasi oo ay shirkadduna tixgeliso isla markaana ay siiso dheefo ku

xidhan wax-soo-saarka shirkadda haddii ay noqoto mushahar & dhiirigelin kaleba.

Sidaas darteed, shirkadda Telesom waa ; “”Aan u cuno, aan wada cuno, aan wada lahaano,” ayuu

Ugu dambeyn, Ciise oo la hadlayay saamilayda waxa uu yidhi; “Qof walba wuu garan karaa

waajibaadka shaqo ee ka saaran maalkiisa. Waxan ku talin lahaa in aan ilaashano naas-weynta

Telesom. Waxan odhan lahaa Faa’iidada soo baxda shirkadda wax kaga soo celiyaa; oo isticmaala

adeegyada shirkadda, sumcadeedana ka shaqeeya. Adeegyada shirkadda haddii ay tahay

Guddoomiye Ciise waxa uu sheegay in Telesom ay leedahay xafiis la yidhaahdo “Riqaaba

Sharciyah”. Shirkaddu waxaan loo kitaab dayin oo aan culimadu soo marin lama hirgeliyo.

Ciise, isaga oo ka warramayay guulaha ay Telesom gaadhay waxa uu sheegay in shirkaddu ay ku

guuleystay in ay noqota shirkadda keliya ee awooday in ay wadanka dhammaantii buur iyo

bannaanba ay gaadhsiiso internetka, si loogu hirgeliyo hawlaha Diwaangelinta.

 

 

1

Waxa kale oo iyaguna kulankaasi loo qabtay Saamilayda Telesom ka hadlay maamulayaasha

Shirkadaha Telesom ka farcamay ee Baanka Daarasalaam, Shirkadda gaaska cuntada ee

“Sidaad Telesom saamile uga tihiin, ayaad Daarasalaam Bank saamile uga tihiin. faa’iidada aad ka

soo baxdana qayb ayuu ka yahay,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Ibraahim, maamulaha Darasalaam

Waxa kale oo Mr. Maxamed Ibraahim sheegay in Baananka islaamiga ah ay qabtaan dhammaan

adeeegyada bangiyada caalamiga ah ay qabtaan amaba ay ka badsadaan.

Abdikarim Xaaji Muuse, Maamulaha Shirkadda SOMGAS oo ka hadlay ujeedooyinkii loo aasay

waxa uu yidhi; “uJeedada aynu u sameynay waxa ugu horreeya: In aynu degaankeena ilaalino, in

aynu dadkeena shaqo abuuris ugu sameyno, in aynu dhaqaalaheena/ganacsigeena iyo

saamilayda faa’iido uga soo saarno, in aynu ka guurno nidaamkii hore ee aynu wax ku karsan

jirnay; oo aan u guurno nidaam casri ah oo bani-aadamku wax ku karsado.”

Waxa kale oo uu ka warramay caqabadihii ka horyimid markii ay shaqada bilaabeen, waxana uu

yidhi: “Waxa ka mid ahaa cabsi (phobia) oo dadku ay afka isku gaadhsiiyaan bahashani way

qarxaysaa. Arrintaasi waanu ka soo gudubnay. alxamdullaah. Dadkiina way aqbaleen, in

dhuxusha ay uga jaban tahay; uga fududahay. waan u mahadnaqayaa dadki nagu garab istaagay.”

2(1)

Maamulaha SOMGAS waxa uu mahadnaq u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalland,

Mr. Axmed Maxamuud Siilaanyo & Wasiirada Deegaanka Marwo Shukri oo ka shaqeeyay

dhiirigelinta Gaaska wax lagu karsado; si loo ilaaliyo degaankeena.

 

Eng. Muuse Cali Egeh, maamulaha Shirkadda Korontada Telesom ee TEC, oo isna halkaasi ka

hadlay waxa hadaladiisii ka mid ahaa: “Telesom waa shirkaddii ugu horreysay ee bixisa adeegga

24 saac ee korontada. 2014 ayaa gaar loo saaray Shirkadda Telesom Electric Company. Waxa

noo qorsheysan in aan macaamiishayda siino koronto joogto ah oo qiimo jaban.”

Eng. Muuse, isaga oo la hadlaya Saamilayda Shirkadda waxa uu yidhi; “Qaybo ka mid ah faa’idada

aad sannadka qaadanaysaa waxa soo kordhiyay TEC. Waxaan u baahanahay taageeradiina,

Kadib markii ay dhammaatay warbixintii Maamulada sare ee Shirkadaha Telesom Group, waxa

iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Saamilayda Shirkadda oo ka kala yimid Caasimadda

Xaaji Cabdikariim Xuseen, oo ka mid ah odayaasha & guurtida ugu da’da weyn Somaliland, ayaa

kulankaasi ka soo jeediyay ammaan & ereyo duco ah. “llaahay shirkadda ha inoo barakeeyo iyo

guushaasi aynu gaadhno. Illaahay abaaraha ha inaga qaado. Sidii roon rabbi ha ina waafajiyo,”

Suldaan Axmed Daahir, oo ka mid ah saamilayda shirkadda waxa uu yidhi: “Aynu qaadano

dardaaraka la ina siiyay oo ambassadors (safiiro) aynu noqono.”

Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho), oo isna ka mid ah Saamilayda Shirkadaha Telesom

Group ee kualnkaas ka qaybgalay waxa uu yidhi; “Waxan u mahdnaqayaa hawlwadeenada

Shirkadda Telesom iyo inta ay dhashayba; oo uu ugu horreeyo Abdikarim. Telesom waxay ka mid

tahay nicmooinka Illaahay ina siiyay. Illaahay marka uu xoolo kula damco dadkooda ayuu ku

siiyaa; Shaqaalaha Telesom waa carruurteenii oo Illaahay swt inoo wanaajiyay.

Xaaji Aadan, waxa uu intaasi ku daray dardaaran ah in qabyaalada lala dagaalamo, iyada oo loo

marayo shirkado sida Telesom oo kale ah oo ay ummadu wada leedahay, isla markaana ay ku

wada jiraan dad isku dan & hdaf ah. “Waxaynu u baahanahay in aan qabaalad ala dagaalano.

Waxyaabaha aynu ku beddelayno waxa kow ka ah Shirkadda Telesom. Waxa qabyaalada lagaga

tegi karaa shirkado noocan oo kale ah. Qabiil Telesom la idhaahdo aan ku abtirsano, oo

“Waxa keliya ee la inaga codsaday waa mid xaq la inoogu leeyahay oo aan ahayn baryo. Telesom

meeshaad joogtaan Safiiro u noqda. Waanu aqbalay ee u wada diyaargaroobo” ayuu hadalkiisa ku

Saamilayda kale ee kulankaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Faarax Xadhigle, Xaaji Jaamac

Ugu dambeyn; kulankaasi saamilayda Telesom ayaa ku soo dhammaaday jawi farxadeed.

913151618

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews