berberatoday.com
WAR-SAXAAFADEED KA DHAN AH MAAREEYAHA WAKAALLADA QURBEJOOGA SOMALILAND OO AY SOO SAARTAY DALLADA JAALLIYADAHA SOMALILAND EE SSE
March 14, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

WAR-SAXAAFADEED KA DHAN AH MAAREEYAHA WAKAALLADA QURBEJOOGA SOMALILAND OO AY SOO SAARTAY DALLADA   JAALLIYADAHA SOMALILAND EE SSE

Dhamaan ururadda hoos ku qoran iyo hogaankooduba waxay cambaareynayaan falalka dhaawaca ku ah wadajirka  qurbojooga Somaliland ee uu ku kacayo gudoomiyaha qurbajooga Somaliland, Abdi Abdilahi Hirsi. Annagoo garwaaqsan in wakhtigan xaadirka ah loo baahanyahay waddajirka ummadda Somaliland gudo iyo debadba ayaan waxan gudomiyaha qurbajooga uga dignay in uu ka feejignaado kala qayqaybinta ururadda iyo dadka Qurbojooga Somaliland. Qaybata  Denmark  ee  jaaliyadda SSE   oo  ah daladda ugu weyn Yurub kana hawlgasha 17 dal oo EU ayaa ku dhaliishay hanaanka gudoomiyaha Qurbojoogu u magacaabayo gudiyadda loo sameeynayo Yurub ee loogu talo galay dedaalka ictiraaf raadinta. Danmark waxa ka jira in ka badan 12 jaaliyadood oo Somaliland leedahay, halka Copenhagen aay ka diiwaan gashan yihiin 8 Jaaliyaddood, Waxa dhacday jaaliyad   la isku qabsaday   magaalada  Copenhagen , kabacdina kala qaybsantay, oo kooxdii ugu yarayd  murankana dhalisay looga dareeray jaaliyadda. Jaaliyaddaas oo aan haysan wax taageero ah iyo xubno joogta u bixiya lacagaha xubin kaga noqoshada, marka laga reebo gudidda jaaliyaddaas.

War-saxaafadeed Ka Dhan Ah Maareeyaha Wakaallada Qurbejooga Somaliland Oo Ay SOo Saartay Dallada   Jaalliyadaha Somaliland Ee SSE

Maqalkii imaatinka gudoomiyaha qurbajooga waxa jaaliyaddihii kale iyo waxgaradkiiba uga digeen gudomiyaha qurbajooga Somaliland Abdi Abdilahi Hirsi inuusan lasafan kooxda  dhaawacday waddajirkii qurbajoog Somaliland ee Danmark. Balse gudoomiyuhu intii uu ku sugnaa Danmark wuxu la kulmay tiradda Sawirka ka muuqata oo aay soo qaban qaabiyeen ururka “Dansk Somaliland venskabsforening”, halka laga qariyay dhaman ururaddii Somaliland ee Danmark ku noolaa.

Haddaba dhamaan ururadda Somaliland ee hoos ku xusan, kuna nool Danamrk waxay cadeynayan in aysan taageersanayn gudidda uu magacaabay iyo kooxda loo igmaday oo wax awood ah u lahayn isku xidhka bulshadda qurbajooga Somaliland iyo ka midho dhalinta Qadiyadda Somalilandba, balse gudoomiyuhu dangaar ah uu ka leeyahay.

Waxa ururka “Somaliland Diaspora Organization” oo ah daladda guud ee ururadda Somaliland Danmark qaban doonaa shir ay ku dooran doonaan gudi ay ku baahoobeen ururadda Somalilandee Danmark. Wixii ka soo baxa shirkaa guudna waxaa loo gudbin doono Saaxiibada iyo laamaha dawladda ee Danamrk ee ay khuseeyso, sida Wasaaradda Arrimaha debadda Denamrk,  loona gudbin doono qoraaladda iyo gudiga lagu magacaabo shirka Ururadda Somaliland ee Danmark. Uraradda Somaliland waxay carrabka ku adkeenayaan baahida loo qabo in laga gudbo matalaadda ku salaysan kooxaysiga iyo inay lama huraan tahay baadigoobka hanaanka dimuqraadiyaynta Somaliland iyo ictiraaf helidba.

Waxaana  muhiim ah inuu  ogaado gudoomiyaha qurbajoogu  in jaaliyadaha  Yurub ee SLND   inkasta oo  ay Somaliland ka  yimaadeen hadana ay yihiin dad european citizen ah isaguna yahay masuul dawladda Somaliland, gudoomiyaha   qurbajooguna  aanu xaq ulahayn inuu dhibaato ka dhex abuuro jaaliyadaha Somaliland ee Yurub, sida ka dhacday UK, France, Norway, Denmark iyo  kuwa kale ee yurub ahba, arintaasina  tahay  arin  denbi  ah sidoo kalana ceeb iyo sharaf dhac ku ah wasaarada arimaha debida ee  Somaliland iyo guud ahaanba milgaha dawladnimo ee Qaranka Somaaliland.

Ururadda Qurbojooga Somaliland ee Danmark ee Bayaankan Saxeexay:

  • Somaliland Diaspora Organization  –  Daladda Guud ee Danmark
  • Somaliland Youth Association        – Daladda Guud ee dhalinyaradda Danmark
  • Somaliland Consultant Business
  • Somaliland Danish Friendship
  • Somaliland Development Danish Support
  • Somaliland Velfærds Forening
  • Somalilands Dansk Forening
  • Somaliland Humanitær Forening
  • Somaliland  Societies in Europe – Denmark
  • Somalilands Fyns Hjælpeforening .
  • Dansom Aid
  • Xubnaha metelaya Ururaddan ee saxeexay:
  • Abdullahi    Ahmed    Yusuf,  Gudomiye   Somaliland Diaspora Organization +  SSE
  • Axmed  Diriye  Liibaan   – SSE
  • abdirisaaq Diinaari
  • Amb abdirisaq Ahmed Ibraahim, Afqaraf – Gudoomiyihii hore ee ictiraaf raadinta
  • Axmed Cabdikarim  ducaale   – Dansom Aid
  • Jamal Odawara Laare
  • Abdi Nooh
  • Abdi Ali Jama
  • Hassan Baaruud
  • Maxamed Adan Dheri
  • Xasan Cali Cigaal
  • Suldan Maxamed – Kabran
  • Mustafa Yuksuf Yabarug.

English Version will follow

For further information, please contact: 

 Gudida    

Somaliland Diaspora Organization

SSE, Denmark

Copenhagen, Denmark 

Office Line – Tel: +452539315 / 21956982

Email: haedo.org@hotmail.dk

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews