berberatoday.com
Allaha ha ku naxariisto isagoo 27 sanno jir ah ayuu noqday wasiir, isagoo 39 sanno jir ahna wuxuu noqday ra’isal wasaare.
March 15, 2016 - Written by Berbera Today

Allaha ha ku naxariisto isagoo 27 sanno jir ah ayuu noqday wasiir, isagoo 39 sanno jir ahna wuxuu noqday ra’isal wasaare.

U malayn maayo taariikhda siyaasadda Soomaalida inuu ka dhashay nin ka aftahamsana, iskaga kalsooni badna, kaga ku dhac badna, kana garasho badna.

Sannadkii 1993 kii bishii May ayuu safarkiisii ugu horeeyey ku tagay dalka Jibouti, markii loo doortay madaxweynaha, waxaa weraysi la yeeshay telefishanka dalka Jibouti ee RTD, su’aal la weydiiyay ayaa ahayd, “Cigaalow Somaliland waxaa kala qaybsaday hogaamiye kooxeedyo, dawladdii Tuur ka takhalustay sideed u maamuli karaysa” meel kalaba jawaabta kama doonin eh weriyahii wuxuu ugu jawaabay “su’aashaasi anaga ayey noo taalla inaanu ka jawaabno, anaga isku tashanayna, maaha mid bulshada caalamka u taalla” seddex sannadood ka dibna wuxuu Cigaal ku guulaystay wax kastoo dhacayba inuu Somaliland midaysan hello ka dib markii sannadkii 1996 kii Hargeysa la isku qalbi xaadhay.

Maalin uu hadal u jeedinaayay golahii baarlamaanka sannadkii 1997 kii waxaan ka xasuusta hadalkiisa “anigu sii joogi maayo oo kollay waan tagiye, waxaan idinkala dardaarmaya inaanay idinku dhaboobin maahmaahdii ahayd ” NImaan Tallin jirini Markuu Taliyo, Niman Tegi Jirin Ayaa Taga”

Madaxweyne Cigaal muu ahayn alla ha u naxariisto eh hogaamiye hadalka raad raadiya, “een iin, iyo oon” midna hadalkiisu dhabqiyo eh, hadal nuxur, naruuro iyo naaqishaad badan leh ayuu jeedin jiray.

Cigaal wuxuu la socday wacdiga, waayaha iyo wakhtiga, waxaa laga dhaxlay weedho ay ka mid ahaayeen “laba fardafuulnimo, rafadkay rafanaysay, iyo ninkay inantiinu ku keenta waa ayaanka”

Waxaan xasuusta anigoo nin yar ah sannadii 1994 kii ilaa 1995 kii ayaa dalka waxaa ka dhacay sicir barar balaadhan, waxaa muddo laba bilood gudahood ah isku maray wasaaradda ganacsiga ilaa 10 wasiir oo mid weliba ku guulaysan waayay inuu xaliyo dhibaatada sicir bararka.

Nin inuu noolyahay aan filayo oo la yidhaahdo Ina Qaasim magaciisii hore ayaan liqsanahaye, ayaa jariiraddii Jamhuuriya wuxuu ku qori jiray maqaalo ka hadlaya sida loo xalin karo sicir bararka.

Dhawr maalmood ka dib ayuu alla ha u naxariitee Cigaal u yeedhay Ina Qaasim, waxaana loo magacaabay wasaaradda ganacsiga inuu wasiir noqdo, wuxuu ku yidhi “qoraalkii aad darbinaysay haddaba ficil u bedel” Ina Qaasim wuu uga sii darray, waxaan ka xasuusta weedhahii uu xilka kaga qaaday “eed ma lihide qoraalka kula qurux badnaaday”

 

Mohammed Abdi Hassan Diridhaba
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews