Dawladaha Somaliland Iyo Jabuuti Oo Xidhiidh Ka Sameeyay Khasaarihii Dhimashadda Iyo Dhaawaca Sababay Ee Dhexmaray Ciidamada Badda
March 15, 2016 - Written by Berbera Today
Saylac(Berberatoday.com)-Hal askari ayaa geeriyooday, laba qof oo midkood askari yahayna waxa soo gaadhay dhaawac kadib markii ay isku dhaceen ciidamada badda ee Jabuuti iyo Somaliland.
Guddoomiyaha gobolka Salal ee Somaliland Farxaan Xasan Cabdi ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada badda ee Jabuuti ay ka soo gudbeen xadka biyaha u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti, kadibna ay rasaas ku fureen markab laga leeyahay dalka Masar oo ka kalluumaysanayay badda Somaliland. Isla markaana ay rasaas ku fureen, markabkan oo ay saarnayeen laba askari oo ka tirsan ciidamadda Somaliland, ayaa rasaastii ay ciidamadda jabuuti ku ridaan waxa dhaawac ka soo gaadhay laba askari iyo kabtankii markabka, kaasoo askarta mid ka mid ahi u geeriyooday dhaawicii soo gaadhay, waxaanu gudoomiyuhu sheegay in aanu garanayn sababta keentay weerarkan, balse wuxuu sheegay in ay labadda dawladdood ka xidhiidheen arrintaasi, isla markaana wafti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha guduhu Cali Maxamed Waran Cadde ay wadahadal la galayaan dawladda jabuuti oo la filayo inuu ka dhaco magaalo xuduudeeda Lawyocado, kabtanka dhaawacmay ayuu gudoomiyuhu sheegay inuu ka soo jeedo dalka Masar.