Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Jawaabay Sababihii Uu Umucaaradi jiray CIGAAL & RAYAALE, ugana Aamusan yahay Xukuumadda Siilaanyo
March 15, 2016 - Written by Berbera Today
“Anigu Nina kama Gar-darnaado, laakiin Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waanu baratannay oo wuu iga dheereeyay oo wuu iga adkaaday..” Saleebaan Maxamuud Aadan
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqyada Colaadeed ee Kooxda Cali Khaliif Galaydh ka waddo deegaannada Sool iyo Buuhoodle iyo faro-gelinta Puntland ku hayso Koonfurta Gobolka Sool ee Somaliland, waxaanu ugu baaqay in la kala Nabad-gelo.