berberatoday.com
Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Oo Tacsi Udiray Askari Ku Dhintay Dagaalkii Dhex Maray Ciidamada Bada Somaliland Iyo Kuwa Jabuuti, Sidoo Kalena Cambaareeyay Marxuum Shalay Lagu Dilay Magaalada Burco.
March 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoda.com)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, isagoo ku hadlaaya magaciisa, iyo kan shacabka Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka badda ee uu ka baxay Marxuum Sarkaal Dheeg Cali Cismaan oo shalay ku geeriyooday hawlgal qaran oo ka dhacay jasiirada Ceebaad.

saylici

TACSI MADAXWEYNE -15/03/2016

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, isagoo ku hadlaaya magaciisa, iyo kan shacabka Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka badda ee uu ka baxay Marxuum Sarkaal Dheeg Cali Cismaan oo shalay ku geeriyooday hawlgal qaran oo ka dhacay jasiirada Ceebaad.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu si gaara u tacsiyadaynayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu caafimaad sareecana Illaahay uga baryey Askarigii ku dhaawacmay hawlgalkaa qaran ee shalay ka dhacay xeebta galbeed.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada qaranka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu cambaareeyey dilkii shalay ka dhacay magaalada Burco ee lagu dilay Marxuum Yuusuf Muuse Cawil oo gacan ka gardarani dishay, taas oo uu ku tilmaamay wax laga xumaado, tacsina waxa uu u diray Madaxweyne ku xigeenku qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu bogaadiyey ciidamada amniga ee gobolka togdheer oo si degdeg ah markiiba gacanta ugu soo dhigay kooxdii gacan ku dhiiglayaasha ahayd ee dishay marxuumka. kuwaas oo isku deyey inay baxsadaan balse dedaalka ciidanka awgii aanay u suurobin inay fakadaan.

Waxaanu boogaadin taa la mida u dirayaa maamulka gobolka togdheer ee waajibkooda qaran gutay, soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha oo cadayn u ah in aan cidina ka carari karin gacanta amniga dalka, sharcigana lala tiigsan doono cidka kasta oo qaranka danbi ka gashay.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews