Madaxweyne Siilaanyo Oo Shalay Dalka Ka Dhoofay Isagoon Warbaahinta La Hadal?
March 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa markii u horaysay isagoon warbaahinta safarkiisa uga waramin shalay u ambobaxay wadanka Kuwayt.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa markasta oo uu dalka ka dhoofayo ama kusoo noqonayo wuxuu warbaahinta si kooban ugaga warami jiray ujeedada socdaalkiisa, iyadoon warbaahinta inta badan loo ogolaan inay su’aalo weydiiyaan. Hase yeeshee xog-warankaas Madaxweynaha ee kooban ayaa shalay sababo aan la garanayn loo baajiyay, waxaana bedelkiisa safarka ka xog waramay afhayeenka Madaxtooyada Cabdiraxmaan Shamax.