Maxay Ka Wadahadleen Waftigii Uu Hogaaminayay Wasiir Warancade iyo Madaxwaynaha Dawlad deegaan Somalida Ethopia Oo Maanta Ku Kulmay Magaalada Jigjiga?
March 15, 2016 - Written by Berbera Today
Jigjiga(Berberatoday.com)-Weftigii uu hoggaaminayey wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed warancade ee safarka shaqo ugu maqnaa dowlad deegaanka somaalida itoobiye, ayaa saaka waxa xarunta madaxooyada magaalada Jigjiga ku qaabiley madaxweynaha dowlad deegaanka soomalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar,halkaas oo uu weftiga ku so dhaweeyey,isla markaana ay labada dhinac ka wada haddleen danaha labada dal.
Weftigan uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha Cali waranade ee saaka kullan-ka la yeeshay madaxweynaha dowlad deegaanka somalida itoobiya Cabdi maxamuud Cumar, ayaa waxa kamid ahaa Maayarka Caasimada Hargeysa,C/raxmaan Solteco , Xidhibaano iyo agaasimaha wasaarada warfaafinta Maxamed Aadan Ika-case.