Xukuumadda Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Dagaal Shalay Dhex Maray Ciidamada Ilaalada Badda Somaliland Iyo Kuwa Jabuuti.
March 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiskiisa waxa uu kaga hadlay dagaal shalay dhex maraya ciidamada badda somaliland iyo kuwa jabuuti oo ka dhacay badda magaalada Saylac.
Waxaana uu wasiirku uu ka warbixiyay qaabka uu dagaalku dhacay iyo waliba khasaaraha ka dhashay sidoo kalena waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qarabaadii uu ka baxay Marxuum Sarkaal Dheeg Cali Cismaan oo ku dhintay dagaalkaasi kana tirsan ciidamada badda somaliland waxaana uu yidhi