berberatoday.com
Bu’laxaar”Taageerayaal Ruuxi Ah Oo saacaddo Badan Cadceedda u Taagnaa Musharrax Jamaal Cali Xuseen+Farxaddi Waftiga Iyo Raali-ahaanshihii Soo Dhoweeyaasha. Sawiiro
March 16, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Wafti Ballaadhan oo uu hoggaamiyo Musharraxa jagada madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen oo shalay iyo maanta u joogay gobolka Saaxil wacyigelin ku saabsan sidii dadka deegaankaasi isku diiwaangelin lahaayeen, ayaa Shalay u baxay Degmada Bu’laxaar iyo Tuulooyinka hoos yimmaada, kuwasoo uu soo indho-indheeyey diiwaangelinta sida ay u socoto.

Safarka oo loogu magacdaray Guul iyo gaashan, waxa Musharrax Jamaal ku wehelinaayey Xildhibaan Saleeban Cali Khayre iyo xoghayaha Xidhiidhka golayaasha ee Xisbigas Ucid Ismaacil axmed Ismaacil iyo sidoo saraakil sar-sare oo ka tisan Xisbiga. Degmada Bu’laxaar oo waftigu ku beegmen xilli aad u kulul ayey kumanaan taageerayaal ahi kusoo dhoweeyen, iyagoo ku dhawaaqaayey ereyo ay kusoo dhoweynayaan Musharraxa Madaxmweynaha iyo waftida la socota.

Jamaal Cali Xuseen oo dadka kala hadlay faggaare, iyadoo ay dhegeysanaayeen Khudbadiisa Boqolaal dadweyne ah, waxa dadka si weyn ugu booriyey inay qaatan kaadhka diiwaangelinta, si ay hadhowto Codkooda ugu doortaan cidda Mustaqbalkoodu ku jiro. Waxanu yidhi, “Maanta kaadhadhkii ayaa la qaadanaya, waayo kaadhku waa kii Codeynta oo hadhow qofku waxa uu ku dooranaya qofka uu rabbo, marka waa muhiim inaad kaadhka qaadato. Anigu (Jamaal) maanta waxa aan idiin imi anigoo wax doonaya, waxa aan idiin sheegaya inaan idiin da’daalo itaalkeyga…sida kuwa kale, idiin odhan maayo Cirka iyo baddan Rinjiyeynayaa. Laakiin waxba idinka hagran maayo”. Ayuu yidhi Jamaal cali Xuseen. Waxanu intaa raaciyey. “xoolihii yara ee dadka masaakinta ah laga qaaday, waxa la geliyey Languruusalo qaali ah oo 80,000 oo doolar ah, waa cashuurtii maatidan, anigu Lacagta waxan idinku qabanayaa, caafimaadkiina, Biyihiina, dhaqaalihiina iyo noloshiina aasaasiga ah hadaad na dooratan, waxanan idin ”.

Sidoo kale, waxa dadweynaha halkaa isna kala hadlay Xildhibaan Saleeban cali Kheyre oo ku booriyey inay qaatan kaadhka diiwaangelinta waxanu yidhi. “aad ayaan idinku mahadnaqaya, dadkiinan sharafta leh, waxa aynuu ogsoonahay reer Bu’laxaar hore Ucid ayey u ahaayeen oo xildhibaanadoodii aniga kamid ah, maantana sidii ay noo soo saareen si ka weyn ayaa looga baahan yahay inay usoo saaran Madaxweynaha Mustaqbalka Jamaal cali Xuseen.., xukumadani way inagu lix jirsatay, waxaana loo baahan yahay in Codkeenu riddo. Sidaas daradeed fadlan reer Bu’laxaarow qaata kaadhka diiwaangelinta”.

Musharraxa Madaxweyne ee Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo waftiga uu hoggaamiyo ayaa dadka goobaha diiwaangelinta ku sugnaa gaadhsiiyey Cunto iyo Biyo ay cabbaan dadka isdiiwaangelinaya, maadaama oo deegaanadaasi yihiin kuwo xeeb ah. Sidoo kale, Musharrax Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku waaniyey dadku inay qaatan Kaadhka Codeyn sidii ay uga mid noqon lahaayen dadka soo xulaya Madaxweynaha Mustaqbaalka iyo Mudanaayasha golaha wakiilada Doorashada soo socota.

Geesta kale, safarka Waftiga Ucid oo loogu magacdaray Guul iyo Gaashan, waxa kaloo uu goob-goob usoo maray deeganaada Adhi cadeys, Geeri Degmada Bu’laxaar iyo sidoo kale, Saley, quudhada iyo Qudhaca, iyadoo ay sidoo kalena ay safarka waftigu kusoo mareen Tuulooyin kale oo badan. Kuwaasoo dhamaantood ay si habsami ah uga socotay diiwaangelinta Codbixiyaha.

Si kastaba ha ahatee, dadka deegaanadaas waxa ka muuqatay shucuub isbedeldoon oo saameysayn waxana ay dhamaantood ahaayeen kuwo qulubtooda laga dheehaneyey taageeradda Jamaal cali Xuseen ay u hayaan.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews