berberatoday.com
DAAWO Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo Ka Waramay Faa’iidada ku Jirta Seeraha Banka Qool Caday
March 16, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Harg(Berberatoday.com)“Dawladana waxaan leeyahay gacan adag ha ku qabato dadka fadqalaladda iyo dhibaatada ka wada”

“Shaqaale badan baa iman doona,Gaadiidkan Xaniban ee Curyaamay dhaqdhaqaaq bay samayn doonaan “

“Waxaan leeyahay dadka Seerahani Wax qori loo qaatana ma aha, Wax lagu dagaalamo oo ummadi isaga hor timaadana ma aha” Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir

Hargaysa ():- Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir ayaa markii kowaad ka hadlay Mashruuca Seeraha Banka Qool caday ee ay Xukuumadu ku hawlan tahay Hirgalintiisa.

Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada hargaysa ayaa sheegay in Seeraha banka Qool-caday ee Degmada Sallaxley uu yahay mid ummada ka dhexeeya isla markaana Xukuumadda looga baahan yahay inay Sidaasi u fuliso isagoo arrintaas ka hadlaya Waxa uu yidhi

“Anigu waxaan qabaa mashruucaasi sidiisa ha loo fuliyo,dawladana waxaan leeyahay gacan adag ha ku qabato dadka fadqalaladda iyo dhibaatada ka wada”.

Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir Waxa kale oo uu Xusay in marka la hirgaliyo Seerahan ay ka faa’iidaysan doonaan dad badan oo Shaqo ka hela Waxaanu Yidhi “Shaqaale badan baa iman doona,Gaadiidkan Xaniban ee Curyaamay dhaqdhaqaaq bay samayn doonaan oo ganacsigoodaa bilaabmi doona, Waxaan leeyahay dadka Seerahani Wax qori loo qaatana ma aha, Wax lagu dagaalamo oo ummadi isaga hor timaadana ma aha,Wax Xukuumadda Cadho geliyana ma aha,Faa’iidadiisa idinkaa leh,Cida deegaanka ahbaa leh,kama hadlayo beesha degta Qool caday balse waxaa ku jira,Balli-gubadle , Faraweynaa ,boqol deegaan oo sidaa ugu xayn-daaban ayaa ku jira ilaa ka Oodweynaa iman doona”.

Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay mustaqbalka iyo ahmiyada seerahani u leeyahay xoolo dhaqatada deegaankaasi iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland Xiliga abaaraha.

Waxaa kale oo Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir uu iftiimin kooban ka bixiyay sida uu Mashruuca banka qoolcaday Mustaqbalka dhow door fiican uga qaadan doono tayada Xoolaha dalka dibadiisa loo dhoofiyo.

/Hargaysa

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews