berberatoday.com
Dawlada Biljimka Oo Xukun Adag Ku Riday Hogaamiye Budhcad Badeed Oo Ay Si Khiyaamo Ah Gacan Ugu Dhigeen
March 16, 2016 - Written by Berbera Today

Bruges(Berberatoday.com)-Maxkamad ku taalla dalka Belgium ayaa Xukun 20 sano oo xabsi ku riday Maxa’ed Cabdi Xasan Afweyne oo loo heysatay Denbiyo la xidhiidha Budhcad-badeednimo  Iyo Afduub loo geestay Maraakiib Ganacsi oo laga leeyahay dalkaa sanadkii 2009.

Maxa’ed Xasan Afweyne oo 58 Jir ah, ayaa lagu xidhay dalka Belgium sanadkii 2013, ayaa wuxuu mudo ka badan Labo sano ku jiro Xabsi ku yaalla dalkaasi, oo Xukun suge ku ahaa.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda riday Xukunka oo ku taalla Magaalada Bruges, ee waqooyiga dalka Belgium ayaa sheegay in Maxa’ed Xasan Afweyne uu Mas’uul ka ahaa Afduubka Markabka Pompei oo isaga iyo Shaqaalihii la socda mudo 70 Maalmood lagu haystay Xeebta Somalia.

Dowladda Belgium ayaa bixiyay in ka badan Labo Milyan oo Doolar Mareykanka oo Madax-furasho ah, si loo sii daayo Markabka & Shaqaalihiisa.

Xadhiga Afweyne ayaa ka danbeeyay markii Booliska Belgium ay qaldeen, oo ay ku geeyeen dalkaasi inuu jilayo Filim ku saabsan qaadka ay Budhcad Badeeda u afduubaan Maraakiibta, balse looga baxay balanta kadibna la dhigay Xabsiga.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Aweyne uu haysto Racfaan, haddii uu bixiyo lacag dhan 22,000 oo Doolaar oo la siinayo Kabtanka Markabkii uu afduubay iyo Qoyskiisa oo la sheegay in Jirdil lagula kacay intii uu ku jiray Gacanta Budhcad Badeeda.

QM ayaa u aqoonsatay Afweyne inuu ahaa Hogaamiye sare oo Laf-dhabar ah ahaa Budhcad-Badeeda Soomaalida ee afduubka ka geesta Biyaha Badweyta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

 

 

By Cumar Sheekh Nuur

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews