berberatoday.com
Musharax Eid Hassan Muse Waa Musharax la soo tijaabiyey Kartidiisa iyo Karaamadiisa umana baahna carbis oo waa haldoor cokan ! Qalikii A/fidhinle UK
March 16, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Waxaan Hambalyo iyo bigaadin u soo jeedinayaa Musharax- Aqoon yahan  Eid Hassan Muse oo bishan  Maaraj 12-keedii Galbeedka Caasimada London kaga dhawaaqay in uu noqon doono musharax u taagan doorashada Golaha Wakiilada ee Somaliland ee inagu soo fool leh.  Eid Hassan Muse waa Foolaadka dhalinyarada aqoon yahanka  reer Somaliland ee ku dhaqan cariga ingiriiska . Waa shaqsi wadani ah oo Somalilandnimadiisu ay dhiigiisa iyo dheecaankiisaba raacday kaas oo mar walba isha ku haya qaranimada, qawmiyada  iyo qadiyada gooni isu taaga Somaliland. Hadii uu ku guuleysto in uu ka mid noqdo doorashada Golaha baarlamaanka ee dhici doonta 27/4/2017 Eid Hassan Muse uma baahna carbis danbe oo waa aqoon yahan hore loo soo tijaabiyey.kaa soo wax qabadkiisa iyo curintiisaba la mahadin doono.”Inshaa-allah”
Isku haleynta togan ee  Eid Hassan  Muse  uu ka qabo shacabweynaha reer Somaliland gude iyo debedba ayaa ku dhiiri gelisay in uu isu soo sharaxo in uu ka mid noqdo Golaha Baarlamaanka ee cusub ee Somaliland sanadka soo socda. Waxaan shaqsiyan aan illaahay uga rajeynayaa in uu ku guuleeyo hankiisan togan ee ay ka go’an tahay in uu dadkiisa iyo dalkiisaba ugu shaqeeyo si hufan oo daacadnimadii laga bartay leh.
Maxay Jaaliyada Reer Somaliland ee cariga ingiriisku ku Xusuusan doonaan  Eid Hassan Musa waqti kasta :
1- Waxay ku xusuusan doonaan in uu Eid Hassan Muse yahay shaqsi ay Dooca iyo Dareenka Somalilandnimadiisu ay dhuuxa ka gashay oo ay ku duugan tahay.
2- Waxaa lagu xusuusan doonaa in uu ahaa Aqoon yahan kii ugu horeeyey ee fikirkeeda lahaa ee u badheedhay in uu bud-dhigo Jaaliyada Somaliland ee Galbeedka London ( West London Somaliland Community )
3- Waxaa lagu qiimeeyey laguna xusuusan doonaa in ahaa Haldoorkii  hindhisay in Dabaal dega 18 May loo midoobo oo la xoojiyo oo dhamaan Jaaliyadaha reer Somaliland  iska kaashadaan oo gacmaha is wada qabsadaan.
4- Wuxuu lahaa oo lagu xusuusan doona oo uu kaambeyn weyn u galay in tiro koobkii ingiriiska ka dhacay  sanadkii 2001 kii in dhamaan Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan UK isku diiwaan geliso oo sheegato magaceeda iyo milgaheeda ee aanay sheegan Somalia ee ay Sheegtaan oo diiwaanka doorashada ku qortaan Somaliland.
5- Waxaa lagu xasuusan doonaa in uu ka abuuray Galbeedka London Kooxo dhalinyaro ah oo kubadeed oo ku ciyaarada Macaga Jaaliyada Somailand ee UK.
6- Waxaa lagu xasuusan doonaa oo loo darsan doonaa Xafladihii dhiirigelinta ahaa ee uu shahaadadaha iyo jaaisadaha ku gudoonsiin jiray ardeyda reer Somaliland ee kaalimaha hore ka gala imtixaanada Dugsiyada sare iyo kuliyadaha kala duwan ee magaalada London.
7- Waxaa lagu xasuusan doonaa ururinta iyo maawelinta caruurta reer Somaliland ee UK ku dhalata oo uu ku soo dabaali jiray dhaqankooda iyo hidahooda hooyo kaa soo had jeer xagaagii u daabuli jiray xarunta hidaha iyo dhaqanka Somaliland  ee ” Degmo ”  .
Eid Hassan Muse Waxaa Jaaliyado badan oo reer Somaliland ahi ay ka qaateen , ka barteen oo ka dhaxleen hab-dhaqanka ah in Jaaliyad walba oo reer Somaliland ahiba ay halka ay ka degan yihiin UK ay jaaliyad metesha oo ay  ku mideysanyihiin  ku sameystaan si ay dadkooda baahan iyo dalkoodaba wax ugu qabtaan iyaguna isu caawiyaan. Waxaan shaqsiyan aan aad ugu riyaaqay oo aan la wada socday waxyaabahaa badan ee dhu-dhunka iyo dhumucda leh ee uu fikirkooda lahaa ee u qabtay Jaaliyada Somaliland ee dalka ingiriiska ku dhaqan gaar ahaan Galbeedka London. Waxaan Eid Hassan Muse aan aad ugu hambalyeynayaa waxqabadkaa muga leh ee  aan la dafiri Karin ee uu ummaddisa u qabtay , Waxaa aan illahay uga rajeynayaa in uu ku guuleeyo  Doorashada kursiga Golaha wakiilada ee uu u tartami doono sanadka soo socda 27/4/2017 ” Inshaa-Allah”
Allaa  Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews