berberatoday.com
Canbaareyn Wadareed Mug leh oo ku wajahan Xadhiga Xaqdarada ah ee Saqdii dhexe Ciidanka RRU-du xabsiga ugu taxaabeen Hooyo Saado Jaamac Adan ( Saado Dheer )‏
March 17, 2016 - Written by Berbera Today

Anaga oo ah Qurbejoogta  reer UK ee ka soo jeeda Gobolka Saaxil iyo nawaaxigiisa, Waxaanu Canbaareyn mug leh Xukuumada Siilaanyo ku Canbaareyneynaa Xadhiga xaqdarada ah ee lagula kacay Hooyo Saado Jaamac Adan ( Saado Dheer ) oo sife argagixiso leh oo baal marsan xeerarka dalka uyaala ay Ciidanka RR-U gurideedii ugu daateen ulana baxeen saqdii dhexe ee Habeenimo.

Xadhigan Xaqdarada ah ee lagula kacay  Hooyo Saado Jaamac Adan  xal u noqon mayso xiisada ka taagan Gobolka Saaxil magaaladiisa Berbera ee waxay ku sii kordhinaysaa shacabweynaha reer Saaxil gaar ahaan Magaalada Berbera dareen dheeraad ah  kaa soo  hindhisi  doona Gadood cusub iyo Kacdoon dadweyne oo ku baaha guud ahaan gobolka Saaxil iyo dhamaan Gobolada Dalka oo dhan . Waxaana ay  cabudhintaa iyo cago jugleyntaa Berbera ka taagani  sii hurin doontaa oo sii shidaalin doontaa xiisada Huursan ee hada ka aloosan Golobka Saaxil Caasimadiisa Berbera.
Waxaanu Xukuumada Siilaanyo ku wargelineynaa in maanta oo ay taariikhdu tahay 17/3/2016 aanu Hooyo Saado Jaamac Adan oo xadhigeedii lagula dhaqmay sife  baal marsan Diinta islaamka iyo shuruucda dalka uyaalaa  aanu u gudbinay maanta   5-ta Hayadood ee u Dooda Xaqdarada lagula kaco Xoriya-tulqawlka iyo xuquuqul insaanka gaar ahaan Dumarka iyo dadka Maatada  ah, Hayadahaas oo ay ugu horeyso Amnesty International. Waxaanu leenahay Xukuumada  Siilaanyo waa in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadeeda oo buuxda  loogu soo celiyaa  Hooyo Saado Jaamac Adan. Hadii denbi lagu hayana waa in sida ugu dhakhsaha badan sharciga dalka uyaala loo horkeenaa . Cabudhintaa  degamsan, hanjabaada joogtada ah, Xadhigan xaqadarada ah, Xiisad sameynta iyo xaalad abuurka  sii xoogeysanaaya ee Saameeyey Gobolka Saaxil waayadan danbe hadii aan la dejin oo aan loo maareyn sida ugu dhakhsaha badan waxay galaafan doontaa nabadgelyada guud ee gobolka oo  dhan Waxaana uqoolan oo masuuliyadeeda qaadi doona ” Inta Dibirsan iyo inta Doobinaysa ee Dhibishaxleyneysa ee ku mamay ilihii dhaqaalaha ee ummadda Somaliland oo dhami wadalahayd .”
 
Allaa Mahad Leh
Gudida Joogtada ah
Ee Qurbe joogta Gobolka Saaxil
ee United Kingdom.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews