Daawo Muuqalka”Haween Reer Berbera Ah Oo Ka Dhiidhiyay Xadhig Ay Xukumadu Xabsiga Ugu Taxaabtay Marwo Saado Jaamac Oo Mudo Lix Caana Maal Ah Hargeysa Kuxidhan
March 17, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatodat.com)-Haween aad utira badan oo kasoo jeeda gobolka saaxil oo maanta shir isugu yimi ayaa ka dhiidhiyay cambaareeyana xadhig ay sheegeen inuu xaqdaro yahay oo lagula kacay haweenay reer Berbera ah oo inta badan ka shaqayn jirtay samafalka dadka jilicsan oo lagu magacaabo Marwo Saado jaamac Aadan islamarkaana ahayd Gudoomiyihii ururka haweenka qaranka Naw ee Gobolka Saaxil oo dhawaan Ciidama ka hortaga Argagixisada ee RRu-du habeen saq dhexe kala baxeen gurigeeda oo kuyaala magaalada Berbera.
haweenka maanta shirka isugu ayaan xadhiga haweenaydan Marwo Saado Jaamac Aadan ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan oo xaqdaro ah waxaanay Xukumada Madaxweyne Siilanyo ugu baaqeen inay xoriyadeeda usoo celiso haweenaydaas.