Daawo Muuqalka”Wararkii Udanbeeyay Dagaalka Maamulka Putland Kula Jiro Kooxda Alshabaab Katirsan Ee Xeebta Garacad Kasoo Dagay Iyo Khasaaraha Kadhashay
March 17, 2016 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Dagaal xoggan ayaa goordhaweyd ka bilowday nawaaxiga degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugal, waxaan iska hor-imaadkaasi u dhaxeeyaa ciidamada Puntland iyo mallayshiyaadka taabacsan xarakada Shabaab ee dhawaaan kasoo dagay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.
Dagaalkan ayaa yimi xilli ciidamada Puntland go’doomiyeen kooxdaasi oo lasoo warinayo inay haysato dhibaato xooggan dhanka nolosha, waxaana la sheegay inaysan u furney meel ay maraan marka laga reebo dhanka badda.