berberatoday.com
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Amaankiisa Aad Loo Adkeeyay Iyo Ciidan Xoojin Ah Oo Fooxle Usoo Kordhiyey
March 17, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Amaankiisa Aad Loo Adkeeyay Iyo Ciidan Xoojin Ah Oo Fooxle Usoo Kordhiyey

had

Gabiley-(berberatoday.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi oo caawa ku hoydey Gabiley isaga iyo xubnaha ku wehelinayey Socdaalkiisa ee Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad kamidka yahey Maxamed Kaahin gaar ahaana Guriga loogu talagley Martida ee Kaamboolka Weyn leh oo Cidhifka Waqooyi kaga yaala Gabiley ayaa cutubyo katirsan Ciidanka Qaranka ee Milatariga Guutada Gabiley loo geeyay halkaasi si ay adkeeyaan amaankiisa.

 

 

Inkastoo ay caweysinkii hore buux dhaafiyeen Wajahada hore ee Guriga Martida Gaadiidka Dadweynaha oo tira badani kuwaas oo Maamulka Degmadu u kireystey soo dhawentiisii manta oo u doontey kharashkii Kirada ayaa, laga xayirey in ay habayaraatee sameeyaan Wax dhaqdhaqaaq ah kadib

 

 

 

 

 

markii  Ciidamada Milatarigu ilaalo adag saareen nawaaxiga Guriga Martida iyadoo ay geesta kalena isla caawa soo gaadheen Magaalada Gabiley Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Fooxle iyo cutub katirsan Ciidanka Gurmadka Degdega ah ee Booliska ee loo yaqaan SPU kuwaas oo ku gaashaanaa Baabuur Qabaal ah islamarkaana loo keenay Xoojinta ilaaladiisa ilaa korjoogteynta dambe ee Safarkiisa Degmooyinka Tog-Wajaale iyo Alleybadey.

Walow aaney Shacbiga Reer Gabiley intooda badani ka warqabin joogitaanka Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi guriga Martida oo Magaalada ka durugsan awgeed hadana waxa aan lugta ka qaadin kaadiriyiinta Kulmiye, Maamulka Degmada iyo Madaxdhaqameed u badan odoyaal iyo waliba koox haween ah oo Xaflad kooban loogu qabtey Xarunta D/hoose ee Degmada Gabiley.

 

“Muuse Biixi Reer Gabiley intooda badani allaahu maala beek ayay uyihiin oo calool xumaba uma qabaan laakiin marka lilaahi loo hadlo waxa jira wax uu isagu uurka ugu hayo shakhsi ahaantiisa waxaana cadeynaya taasi amarka Shaqalle soo siiyay Ciidanka Milatariga ee amaankiisa lagu ilaalinayo iyo kuwan goor dhaweyd Hargeysa ka yimid ee lagu soo kordhiyay milatariga iyadoo , aan hal asakari ka joogin Booliskii Magaalada waxaad isweydiin kartaa tolow waxaas oo ciidan ahi ma Reer Gabiley ayay ka ilaalinayaan koley waxaa isagu uurka ku hayo inyarbaa oge waxaan leeyahey Sirmaqabe allaa usahan ah”Sidaa waxa yidhi mid kamid ah Cuqaasha ugu tagtey guriga Martida oo hadhwanaagnews ka codsadey inaan magaciisa la xusin.

 

Waa markii ugu horeysay ee nooceeda ah oo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi u hoydo Magaalada Gabiley noloshiisa,ilaa wakhtigii ololihii Xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo kursiga ku fuulay oo uu kamid ahaa shakhsiyaadka ugu socodka yar Gabiley islamarkaana, uu Hargeysa dib ugu laaban jirey xataa Marka Siilaanyo ku dhaxo Gabiley waxana xusid mudan in uu baabuurkiisa gaarka ah u wadey socdaalkiisan dirawalkiisii xiligii Jabhada Yuusuf Cabaade oo aan safardiisii hore wadin Baabuurka Gudoomiyaha Kulmiye,inkastoo ciidamada badan ay Gabiley noqoneyso Magaaladii labaad ee Soo raacda Burco oo ciidan badani amaankiisa ilaalinayeen.

Hadhwanaag

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews