berberatoday.com
Gudoomiye Kuxigeenkii Gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdilahi Oo Xilkii Laga Qaaday
March 17, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland ayaa Xilkii ka qaadayGudoomiye Kuxigeenkii Gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdillahi oo xilkaasi hayay mudo laba sanadood ku dhaw,xilka qaadista ayaa waxa shabakada wararka ee Berberatoday.com ucadeeyay Gudoomiye kuxigeenka Xilka Laga qaaday Xaamud Xuseen Cabdillahi oo aanu goordhaweyd la xidhiidhnay.

Digreetada xilka lagaga qaaday Gudoomiye Kuxigeenkii Hore ee Gobolka Saaxil laguma sheegin Masuulka Xilkaas loo soo magacaabay ee lagu Bedelay balse waxa lagu amaray Xamud Xuseen Cabdillahi inuu xilkii ku wareejiyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo si kumeel gaadha usii hayn doona, sidoo kale marb aanu weydiinay Gudoomiye Kuxigeenka Xilka Laga qaaday cid ku saxexan xilka ka qaadistiisii maadama oo Madaxweyniye Siilanyo dalka debediisa ku maqan yahay ayaa waxa sheegay inuu Madaxweynuhu ku saxeexan yahay Digreetada xilka lagaga qaaday,

Ilaa hada lama oga masuulka Xilkan loo soo magacaabi doono ee xaamud Xuseen cabdilahi Bedeli doona hase yeeshee Warar xogogaala oo aanu helay waxa ay sheegayaan in xilkaasi loo soo magacaabay Keyd Cabdillahi Xandule oo kamida ah ganacsatada reer Berbera horena u ahaan jiray Maamulihii shirkada dahabshiil ee Berbera balse shaqadaas ka tagay mudo hada laga joogo sanad,

Kayd Cabdiilahi waxa kaloo kamida ahaa Musharaxiintii utartamay Golaha deegaanka Degmada Berbera 2012kii waxaanu ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye balse muu soo bixin oo waa uu hadhay,

inkastoo aanan cadayn karin in masuulkan la soo magacaabay hada waa wararka laysla dhex marayo.mar aanu isku daynay in aanu  tilifoonmkiisa gacanta kala xidhiidhno Kayd Cabdillahi Xandule si aanu magacaabista la sheegayo wax uga weydiino waa uu xidhnaa ama damsanaa.

Kayd-Cabdilaahi-Xandule-2-200x200

Gudoomiye Kuxigeenka Xilka Laga qaaday ayaa xil kaqaadistiisa loo aanaynayaa inay sahayday dilkii dhawaan dablayda hubaysani ku khaarajiyeen Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamud(Caseyr)oo ay wada socdeen xiligii uu dilku dhacaayay Gudoomiye Kuxigeenka waxaanay dhawr jeer ku taameen beesha uu marxuumkaasi kasoo jeeday in Masuulkan xilka laga qaaday loo xidho balse xilka dawladnimo ee uu hayo awgeed uu xidhmi waayay maadama oo uu ku magaacaban yahay digreeto Madaxweyne ilaa xilka laga qaadana aan la xidhi karin, bal xilkii laga qaadye waxa la eegayaa talaabada kale ee kuxigta xil kaqaadista maadama oo ay hore ugu taamayeen in loo xidho beesha Marxuumka taliyaha ah ee Geeriyoodayu kasoo jeeday.

Gudoomiye Xigeenka Xilka Laga qaaday Xaamud Xuseen Cabdillahi ayaa kamid ahaa ragii hogaaminaayay weerarkii lagu soo qabqabtay dableydii lagu eedeynaayay dilka Taliyihii Qeybta Booliska Berbera maadama oo uu kasoo jeeday deegaanka buuraha ay ku dhuumaalaysanayeen dablaydu ilaa gacanta lagu soo dhigayna muu fadhiisan.

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews