Diifta Bulshada Abaaraysan Iyo Doorasho Raadiska Siyaasiyiinta Somaliland!!
March 18, 2016 - Written by Berbera Today
Xaaladaha nololeed iyo duruufaha ku gadaaman dadka ay abaaruhu saameeyeen ee deegaanada somaliland waa mid qalafsan oo qalbiga caafimaadka qabaa ka qiiroonayo.
Waa wakhti adag oo muuqaalka dhulku isbadalay dhirtana aad qoryo moodo. dadkuna waa kuwo ay diif iyo daranyo xoogani ka muuqato oo maskaxda iyo mooraalkaba ka fikirayaan maadaama ay biyo la’aan iyo baad la’aani soo food-saartay.
Marka laga tago dhaqashadii iyo duunyadii ay ku tabcayeen hadda waxa halis ku jira nafahoodii maadaama ay ahaayeen (Noole noole ku dul nool), Iyadoo ay sidaas tahay ayaynu ognahay ololaha ay xisbiyada qaranku ugu jiraan qaadashada kaadhka diwaangalinta codbixiyaha oo ka socota gobollo ka mida somaliland qaarkoodna kasoo dhamaatay halka kuwo kale wali hadhsan yihiin.