berberatoday.com
Diifta Bulshada Abaaraysan Iyo Doorasho Raadiska Siyaasiyiinta Somaliland!!
March 18, 2016 - Written by Berbera Today

Xaaladaha nololeed iyo duruufaha ku gadaaman dadka ay abaaruhu saameeyeen ee deegaanada somaliland waa mid qalafsan oo qalbiga caafimaadka qabaa ka qiiroonayo.

Waa wakhti adag oo muuqaalka dhulku isbadalay  dhirtana aad qoryo moodo. dadkuna waa kuwo ay diif iyo daranyo xoogani ka muuqato oo maskaxda iyo mooraalkaba ka fikirayaan maadaama ay biyo la’aan iyo baad la’aani soo food-saartay.

Marka laga tago dhaqashadii iyo duunyadii ay ku tabcayeen hadda waxa halis ku jira nafahoodii maadaama ay ahaayeen (Noole noole ku dul nool), Iyadoo ay sidaas tahay ayaynu ognahay ololaha ay xisbiyada qaranku ugu jiraan qaadashada kaadhka diwaangalinta codbixiyaha oo ka socota gobollo ka mida somaliland qaarkoodna kasoo dhamaatay halka kuwo kale wali hadhsan yihiin.

Damiir xumada siyaasigu waatta sababtay in bulsho tabbaalaysan oo gaajo la ildaran  uu ku booriyo olole uu ku kharash garaynayo boqolaal kun oo dollar oo qayb weyn ka qaadan lahaa in lagu samato bixiyo badbaadinta dadkiisa baahan ee ay abaaruhu naafeeyeen.

Saddexda xisbi qaran ee somaliland waddani, kulmiye iyo ucid ayaa muddooyinkii u danbeeyey safaro iyo socdaalo ku maraayey gobollada ay sida ba’an u saameeyeen abaaruhu kuwaas oo kala ah gobollada  hawd, awdal, gabiley iyo degaanada hoos yimaada.

Dhacdada layaabka leh ayaa ah in siyaasiyiintaasi ay kharash garaynayeen lacago aad u tiro badan oo ay bulshada loogu fahansiinayo laguna boorinayo diwaangalinta codbixiyaha,  hase ahaatee mar kaliya masoo qaadin maankooda ma galinin oo ma xasuusan dadkoodaas baahan ee duruufta qallafsan iyo daranyada biyo iyo baad la’aaneed ku habsadeen mana jirto wax caawimo iyo gargaar ah oo ay u fidiyeen haseyeeshee hankooda, hamigooda iyo hadafkoodu waa in dadku is diwaangaliyaan kaddibna u codeeyaan.

Laakiinse isweydiintu waxay tahay haddii dadka shacabka ahi gaajo u dhintaan, siyaasigu halkee ayuu cod iyo taageero ka helayaa?

 

W/Q  Khaalid Cabdi Muxumed (Bulshaawi)

khaalid.bulshaawi@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews