berberatoday.com
Jabuuti Oo Sheegatay Xeebaha Somaliland Qeybo Kamida Ah Iyo Wefti Ka Socda Somaliland Oo Dalkaas Gaadhay
March 18, 2016 - Written by Berbera Today

Jabuuti(Berberatoday.com)-Dolwadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa yeedhay Masuuliyiinta dhinaca Ammaanka ee dhiggeeda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo Jabuuti ka been-sheegtay weerar ay Isniintii toddobaadkan Ciidammada Baddu ku soo qaadeen Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland oo ilaalinayey Markab oggolaansho Kalluumaysi ka haystay.

Ciidanka ilaalada Xeebaha Jabuuti ee Somaliland ku soo duulay

Ciidanka ilaalada Xeebaha Jabuuti ee Somaliland ku soo duulay

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac Buureed iyo Saraakiil Hay’adaha Ammaanka ee Somaliland ka tirsan, ayaa gaadhay Arbacadii Maanta magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaasoo safarkoodu ka dambeeyey yeedhmo dhinaca dowladda Jabuuti uga timi, markii ay weerar ku soo qaadeen Ciidammada Xeebaha Jabuuti Ciidammada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Weerarka ay Ciidammada Badda ee Jabuuti ku soo qaadeen subaxnimadii hore ee Isniintii toddobaadkan soo weerareen Markab kuwa Kalluumaysiga ah oo laga leeyahay dalka Masar, isla markaana oggolaansho Kalluumaysi ka haystay dowladda Somaliland, kaasoo ay saarnaayeen laba Askari oo ilaalinayey Markabkaas oo ilaalada Xeebaha Somaliland ka tirsan.

Waxaana halkaas ku dhintay Askari ilaalada Xeebaha Somaliland ka tirsan mid kalena wuu ku dhaawacmay, waxaana sidoo kale dagaalkaas ku dhaawacmay Kabtankii Markabkaas sida ay Caddeeyeen Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland. Hase-yeeshee, dowladda Jabuuti, ayaa ku andacootay in Markabkaas oggolaanshaha Kalluumaysi ka haystay Somaliland inuu ku xad-gudbay Biyeheeda.

Halka uu Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland ee gobolka Selel sheegay in Ciidanka Jabuuti ku soo xad-gudbay Biyaha Badda Somaliland, weerarna ku soo qaadeen, isla markaana ay laabeen astaantii nabadgelyada Ciidanka Jabuuti. Arrimahaas, ayaa lagu soo warramayaa inay Weftiga Somaliland ka socda iyo dhiggooda Jabuuti kaga wadahadli doonaan magaalada Jabuuti.

Warbixinta Warkaas Socdaalka Masuuliyiinta dhinaca Somaliland ka tegay ee Jabuuti gaadhay iyo qaabka ay Warbaahinta dowladda Jabuuti oo soo xiganaysa Masuuliyiinta u qaabbilsan Badaha iyo Ammaanka Xeebaha uga hadashay weerarka ay ku soo qaadeen Biyaha Somaliland, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews