“Waxaan Idinku Boorrinayaa In Aad WADDANI Taageeradiina Siisan” Wasiir Waran-Cadde
March 18, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
“Waxaan Ku Faraxsanahay In Aad WADDANI Iska Soo Sharaxdid Waayo Waa Halka La Iskugu Imanayo” Waxaan Filayaa In Uu Alle Khayrku Halka U Ku Jiro Idin Waafajiyey Oo WADDANI Ah”
“Waxaan Idinku Boorrinayaa In Aad WADDANI Taageeradiina Siisan” Wasiir Waran-Cadde

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “Waxaad ogaataan in Xisbiga qudha ee la iskugu imanayaaa uu yahay Xisbiga WADDANI, mid xukuumadda ka tirsan iyo mid kaleba waana la arkaa inuu ugu dhaq-dhaqaaq roon yahay”Ayuu yidhi warancade. Hadalka kasoo yeedhay wasiir Waran-cadde, ayaa muujinaya inuu hoosta ka wado taageeradiisa la xidhiidha xisbiga Waddani oo uu markii hore si qarsoon u wadan jirey, waxana xukuumadda madaxweyne Siilaanyo looga baahan yahay inay tallaabo ka qaaddo wasiirkan ku hawllan taageerada xisbiga hamuunta u qaba kursiga uu madaxweyne Siilaanyo saaran yahay.