berberatoday.com
62 Qof Oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Burburtay Dalka Ruushka
March 19, 2016 - Written by Berbera Today

Moscow(Berberatoday.com)-62 qof ayaa ku dhintay diyaarad ka soo duushay magaalada Dubai,diyaaraddan ayaa ku dul burtay kaddib markii ay isku dayday inay fadhiisato dalka Ruushka.

fala_6

wararka ka imaanaya Dalka Ruushka ayaa sheegaya in goor dhaweyd ay ku bur-burtay Diyaarad Rakaab siday oo ka ambabaxday Magaalada Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Diyaaradan ayaa waxaa la socday 61 qof oo 55 ka mid ah yihiin rakaabkii saarnaa Diyaarada, halka lixda ruux ee kalena ay ahaayeen Shaqaalaha Diyaarada.

Diyaarada ayaa nooceeda uu ahaa A Boeing-737,waxaana la sheegay inta aaney dhicin ka hor labo Saacadooda inay hawada ku jirtay, balse iyada oo doonaysa inay degto ayeey Diyaaradan dhacday.

Saraakiil ayaa sheegay in aaney jirin cid ka badbaaday Diyaarada oo gabi ahaanba dadkii saarnaa ay geeriyoodeen, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysay burburka Diyaarada ama nooca cilada ee ku yimid.

Waxa ay ku dhacday Diyaarada Magaalada Rostov-on-Don oo ku taallo Koonfurta dalka Ruushka.

Gaadiidka gurmadka deg dega iyo Saraakiisha caafimaadka ayaa gaadhay goobta Diyaarada ay ku soo dhacday ee Magaalada Rostov-on-Don.

fala_1fala_2fala_3fala_4

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews