Kal-Fadhigii 30-Aad Ee Golaha Wakiilada Oo Maanta Si Rasmi Ah U Furmay
March 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ajandaha kal-fadhiggii 30-aad,fadhigiisii koowaad ee golaha Somaliland ayaa maanta si rasmiya uga furmay xarunta golaha wakiilada Somaliland.
![shirgudoon](http://baligubadlemedia.com/bgm/wp-content/uploads/2016/03/shirgudoon.jpg)
Fadhiggan ay maanta yeesheen mudanayaasha aqalka golaha wakiilada ayaa waxaa hoggaaminayey guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,Waxaana ku wehelinayey guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee iyo labaad ee aqalka Baarlamaanka Somaliland.