berberatoday.com
Haweenay 91 Jir ah oo Qaadatay Shahaadada PhD, Muddo 30 Sanno ahna Qoraysay Buugga Qallin-jelinta
March 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Haweenay 91 jir ah, ayaa noqotay gabadhii ugu da’da weynayd dalka Faransiiska ee hesha shahaadada PhD, kadib markii ay dhammaystirtay buugga qallin-jebinta (thesis) oo ay muddo soddon sanno ka hor ah bilawday.

QALIN JABIIN

Islaantan duqda ah oo la yidhaah Colette Bourlier waxa la siiyey abaalmarino sare oo kala duwan dhabar adayga iyo samirka ay u samaysay in ay dhammaysato aqoonteeda sare, taasoo Salaasadii toddobaadkan buugga ay 30 sanno qoraysay ka hor difaacday guddi Jaamacadda University of Franche-Comte ee magaalada Besancon ee bariga Faransiiska.

“Waxay igu qaatay waqti xoogga ah in aan ku qoro, sababtoo ah fasax dheer baan galay,” ayey tidhi Bourlier oo sharraxaysay waqtiga dheer ay ku qaadatay in ay buugga qallin-jebinta qorto.

Buugga ay qoraysay oo ka hadlayey shaaqalaha muhaajirinta ah ee magaalada Besancon ee qaybtii dambe ee qarnigii 20aad yimi amma cinwaankiisu ahaa “Immigrant Workers in Besancon in the Second half of the 20th century.” Waxa ay ku faahfaahisay khibar dheer oo ay u lahayd shaqaalaha macallimiinta ka ah magaaladeeda bariga Faransiiska.

Haddaba, haweenaydan waxa ay go’aansatay in ay qaadato PhD markii ay hawlgab noqotay 1983-kii. Caadi ahaan dalka Faransiiska buugga Phd lagu diyaariyo waxa uu qofku qoraa 3 sannadood, balse Bourlier waxa la siiyey waqti dheeraad oo uu u oggolaaday buunigii (Professor) waxa u dhigayey oo la odhan jiray Serge Ormaux.

“Run ahaantii waa qofka kaliya ee ogaa macluumaadkan oo dhan, wax kastana awood u lahaa inuu isu keeno. Waxa ay keentay xog nambareed ay falanqaysay (Statistical analyses,)” ayuu yidhi macallinkii ku qornaa inuu hago buugga qallin-jabinta islaantan 90 sanno jirka ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews