War Deg Deg Ah”Booyado Aad Ubadan Oo Saaka Shiidaal Naafto Ka Qaaday Haamaha Shiidaalka Berbera Oo Dib Usoo Celiyay Iyo Naaftadii Oo Gaas Iyo Biyo Isdhex Yaacaya Isubedeshay
March 20, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(berberatoday.com)-Guud ahaan booyadii shiidaalka Naaftada ah shalay ilaa maanta ka qaaday haamaha shiidalka Berbera ayaa dib usoo celiyay shiidaalkii haamaha lagaga dhaamiyay iyaga oo sheegay in shiidaalkii naaftada loogu sheegay isubedelay gaas iyo biyo isdhex yaacaya.
Waxaana maanta galinkii danbe ilaa caawa fiidkii kusoo qulqulaayay agagaarka haamaha shiidaalka Berbera booyado tira badan oo kasoo kala laabtay guud ahaan gobolada dalka kadib markii ay isticmaaleen shiidaalkii naaftada ay ugu sheegeen masuuliyiinta shirkadaha haamaha maamulaa mishiinadii iyo gaadiidkii lagu shubayna wada duqeeyeen dhibaato weyni ka dhalatay.waxaana agagaarka haamaha shiidaalka buux dhaafiyay boqolaal booyadood oo dib usoo celiyay shiidaalkii naafto ahaan looga iibiyay oo isubedelay gaas iyo biyo isdhexyaacayabg