berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Booyado Aad Ubadan Oo Saaka Shiidaal Naafto Ka Qaaday Haamaha Shiidaalka Berbera Oo Dib Usoo Celiyay Iyo Naaftadii Oo Gaas Iyo Biyo Isdhex Yaacaya Isubedeshay
March 20, 2016 - Written by Berbera Today

booyadaha haamahaBerbera(berberatoday.com)-Guud ahaan booyadii shiidaalka Naaftada ah shalay ilaa maanta ka qaaday haamaha shiidalka Berbera ayaa dib usoo celiyay shiidaalkii haamaha lagaga dhaamiyay iyaga oo sheegay in shiidaalkii naaftada loogu sheegay isubedelay gaas iyo biyo isdhex yaacaya.

Waxaana maanta galinkii danbe ilaa caawa fiidkii kusoo qulqulaayay agagaarka haamaha shiidaalka Berbera booyado tira badan oo kasoo kala laabtay guud ahaan gobolada dalka kadib markii ay isticmaaleen shiidaalkii naaftada ay ugu sheegeen masuuliyiinta shirkadaha haamaha maamulaa mishiinadii iyo gaadiidkii lagu shubayna wada duqeeyeen dhibaato weyni ka dhalatay.waxaana agagaarka haamaha shiidaalka buux dhaafiyay boqolaal booyadood oo dib usoo celiyay shiidaalkii naafto ahaan looga iibiyay oo isubedelay gaas iyo biyo isdhexyaacayabg

Guray Quule oo kamida darawaliinta booyadaha shiidaalka una shaqeeya kaalinta Tawakal Fuel staation ee Hargeysa ee soo celiyay naaftada loogu sheegay ee gaasta iyo biyaha isdhex yaacaya isubedelay ayaa Shabakada Wararka ee berberatoday.com usheegay inay markii ay naaftada shuba is yidhaahdeen ay arkeen inaanay waxa ay shubayaaan naafto ahayn ay tahay gaas iyo biyo sidaasna ay kusoo celiyeen, waxa kaloo uu Guray quule intaas kudaray in markii maanta shiidaalka lagu shubaayay uu ka shakiyay in aanay waxa lagu dhaaminayo booyadiisa aanay ahayn naafto una sheegay Maareyaha haamaha shiidaalka balse waxa uu sheegay inuu ugu jawaabay inuu xafiiska uga baxo hadii kale uu xidhi doono imika markuu hargeysa kasoo laabtayna uu haamaha hortooda la taagan yahay ilaa hada aanay cid ka tirsan maamulka haamaha oo la hadashayna aanay jirin.

Maxamed Cilmi Dirimara oo isaguna kamida darawalinta booyadaha  ee Kaalinta Shiidaalka Star ayaa isaguna warbaahinta usoo bandhigay gaas uu kasoo shubay booyada uu wado isaga oo sheegay inay kala kulmaan haamaha shiidaalka hadiyo jeer hanjabaad iyo caga juglayn marka ay ka cawday shiidaalka xun ee baryahan danbe haamaha laga dhaaminaayay waxaanu darawalkani sheegay in baryahanba naaftada ay haamaha shiidalka Berbera ka qaadaan ahayd mid aad uliidata oo biyo iyo gaasba leh balse imika ay kasii dartay oo xitaa kaalmihii lawada haysto oo baabuurtii lagu shubay wada duqeeyeen.

Dhinaca maamulka haamaha shiidaalka Berbera oo aanu iskudaynay in aanu arinkan waxa ka weydiino ayaanan ka helin jawaan saxa kadib markii ay qaban waayeen maamulka Haamaha shiidaalku tilifoonadooda gacanta.

Naafatadan gaasta iyo biyaha isubedeshay  ayaa noqonaysa faashilkii ugu weynaa ee lasoo darsa shirakadaha Maamulka haamaha kaydka shiidaalka lasoo darsay iyada oo haba yaraatee aanay jirin wax dana oo ay dalka iyo dadkaba ka leeyihiin shirakadaha haamaha shiidaalka la wareegay.

Sidoo kale waxa isna meesha kabaxay shaybaadhkii lacagta badan uu ku lunsaday wiilka uu Madaxweyne Siilanyo sodoga uyahay ee xukumaduna hore usheegtay inay dalka keentay mishiin shaybaadh ah oo shiidaalka tayadiisa sifiican u eegaya dalkana aanu shiidaal danbe oo xun aanu iman dooni hadalkaas iyo maaliyada faraha badan ee shaybaadhkaas lagu qaatayna waxa uu noqoday been aan sal iyo raadtoona lahayn.

laabka

Booyadihii ayaa ilaa hada haamaha hortooda hoganaya iyada oo aan la garanayn in laga celin doono shiidaalka iyo kale waana fadeexad aad uqara weyn oo la soo daristay shirkadaha maamulka haamaha ;la wareegay

 

Berberatoday.com

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews