Akhriso Ama Daawo Taariikhda Qadiimiga Ah Ee Magaalo Xeebeedka Saylac
March 21, 2016 - Written by Berbera Today
Saylac(Berberatoday.com)-Saylac waa magaalo Qadiimiya oo ku taala Galbeedka Somaliland, waa caasimada gobolka Salel, magaalada Saylac waxaa ku taala Xeeb uu aad u weyn.
Sida taariikhda lagu sheego magaalada Saylac waxaa ay jirtay mudo ka badan afar iyo toban Qarni, waxaa ay taariikhyahanadu sheegaan inay tahay meeshii ugu horeysay ee Diinta Islaamku kasoo gasho dhulka soomaalida kadib markii carab ganacsato ahi ay keeneen diinta.
Saylac waxaa ku yaala masjid la yidhaahdo Qiblataynka waana masjid leh laba qiblo, waxaa la sheegaa in markii hore aa loo tukan jirin qiblada masaajidkan loogu tukan jiran dhinaca Masjidul aqsa balse markii dambe Masjidka Xaramka loo jeediyay.