berberatoday.com
SANAAG:Waxgarad Sheegay In Dhismihii Jidka Burco Iyo Ceerigaabo Aanu Ka Dambeynin Iscasilaaddii Wasiir Xirsi
March 21, 2016 - Written by Berbera Today

Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka  ka soo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa sheegay inuu istaagay dhismihii Waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xadhaysay tan iyo intii uu xilka ka tegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waddada CeerigaaboMadhax-daxdhaqameedka oo Warbaahinta la hadlay Shalay, ayaa sheegay in aanay jirin wax waddo ah oo ka socda halkaasi tan iyo wakhtigii Wasiir Xirsi xilka ka tegay, waxaanay sheegeen in ay fadhiisteen qalabkii Waddadaasi lagu samaynayey, isla-markaana ay jiraan qaar dayacan oo u baahan in la daryeelo.

Eng Axmed Cali Xasan oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa yidhi, “Wax shaqo ah oo ka socdaa ma jirto Waddada Ceerigaabo illaa intii uu Wasiir Xirsi ka tegay” ayuu yidhi Eng Axmed Cali Xasan.

Jiif Caaqil Yaasiin Cali Iyo Oday Kalluun oo ka mid ah Cuqaasha, Odayaasha iyo Haweenka reer Sanaaag ee  himilada iyo hanka weyn u qabay dhismaha Waddada Ceerigaabo, waxay sheegeen inaanu jirin wax dhisme ah oo ka socda Waddadaasi, “Xirsi sidii uu uga tegay shaqadii dhulka ayey ku dhacday oo wax socdaa ma jiraan, sidii uu Xirsi uga tegay waddadii way taagan tahay mana garanayo caqabadda hor taagan.”

Suldaan Cali Nuur Wacays (Qudde) oo ka mid ah Salaadiinta Gobolka Sanaag, ayaa isaguna qiray in ay xumaadeen qalabkii lagu shaqaynayey ee Waddadaasi lagu samaynayey, “Booyaddii Daamurka farashaysay  ayaa ka jabtay, markaa wixii kalena muddo ayey isla fadhiisteen” ayuu yidhi suldaanku.

Boqor Nuur Cali Galaas Iyo Boqor Nuuradiin oo ka  mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Sanaag, ayaa isaguna  dhankiisa sheegay in aanay u bogin siday hadda xaaladdu tahay, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa “Uma bogin hadda haddaanu nahay Gobolka Sanaag gaar ahaan Ceerigaabo sida ay hadda wax yihiin ee ay Waddadu u taagan tahay, Wasiirkii hore ee Waddadan waday wuxuu ahaa Maskaxdii ama mishiinkiin dhaqaajinayey dhismaha Waddadan, waxaanu leenahay waar sidii meesha Xirsi uga tegay waddo nooma socoto” ayuu yidhi boqorku.

Dhanka kale, waxa hore Warbaahinta looga siidaayey Shaqaalaha Waddada ka shaqeynayey oo dalbanaya Mushaharkoodii oo ay sheegeen inaan dhowr bilood la siinin.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews