berberatoday.com
SAYLAC: Askarigii Ciidammada Jabuuti Dileen Oo Loo Sameeyay AAS Aanu Ka Qayb-gelin Qof Dawladda Ka Socdaa, Beeshiisa Oo Godob Tirsaneysa & Dareenka Xukuumadda
March 21, 2016 - Written by Berbera Today

“Maantana (Doraad) Aas Qaran ma helin ee Aas qolo ayuu helay…” Ehelka Askarigii Ciidamada Jabuuti ku dileen

 

Saylac](Berberatoday.com)- Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka SELEL ee Somaliland, ayaa doraad aasay Alle ha u naxariistii Askarigii ka tirsanaa Ciidammada Badda Somaliland ee Ciidammada Badda Jabuuti ku dileen Weerarkii ay Axaddii toddobaadkii hore ku soo qaadeen Biyaha Badda Somaliland.

Warka 1-aadAskarigan oo Ciidammada Jabuuti dhaawaceen markii hore, ayaa Geeriyooday iyadoo daaweyn loogu sii wado Magaalada Jabuuti oo ay ka soo duuleen Ciidamada toogtay, laakiin Danta Dadkii ehelka u ahaa ku qasabtay inay ula cararaan markii sida la sheegay Magaalada Saylac laga waayey Irbadda Dhiig-joojin ah.

Marxuumka oo Magaciisu ahaa Dheeg Cali Cismaan isla-markaana la soo wariyey inuu Aroos cusub ahaa, ayaa waxa Aaska loogu sameeyay Magaalada Saylac ka qayb-galay Dadweynaha ku dhaqan halkaasi oo ay ka mid yihiin Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha uu ka soo jeeday.

Odayaasha iyo Waxgaradka ay isku Beesha ahaayeen Askariga reer Somaliland ee Ciidammada Badda Jabuuti dileen, ayaa Aaskiisa ka dib waxay hadallo ay Warbaahinta siiyeen waxay layaab ka muujiyeen sida aan Masuul keliya oo ka tirsan Xukuumadda Dhexe iyo Maamulka Gobolka Selel aanay ugu gurman markii uu dhaawac ahaa Marxuum Dheeg isla-markaana aanay Cidna Aaskiisa uga qayb-gelin.

Odayaasha Reer Saylac oo hadlayey Xabaasha Marxuumka dusheeda, ayaa ka sheekeeyay sida uu Askarigaasi u dhintay, iyagoo tilmaamay in Marxuumka ay rasaastu ku dhacday Abbaaro 7 Subaxnimo ee Axaddii Toddobaadkii hore, illaa 12:30 duhurnimo oo uu qudh-baxayna aan wax gurmad ah loo fidinin, taasi oo ay xuseen inay tahay dhacdo laga murugoodo oo iyaga si gaar ah u taabaneysa.

“Askariga Jabuuti dishay waxay Xabaddu ku dhacday 7-dii Subaxnimo, waxayna naftu ka baxday 12:30 Duhurnimo, Ciddii Masuuliyaddu ka saarnayd ee Taliyaha u ahayd umay gurmad, Badhasaabka Gobolku uma gurman, Ciddii kale ee Madaxda u ahayd ee Masuuliyaddu ka saarnayd nooma imanin, Maantana (Doraad) Aas Qaran ma helin ee Aas qolo ayuu helay.” Ayuu yidhi, Mid ka mid ah Waxgaradka ay Marxuumka Ehelka ahaayeen oo ka hadlay Arrintan, waxaanu intaa ku daray in Godobtooda aanay ka samreyn hadday toban Sannadood qaadatana, “Ciddii dishay Askarigayaga waanu garaneynaa, Godobtuna way noo ooleysaa Toban Sannadoodna ha gaadheen.”

Xubin kale oo ka mid ah Odayaasha Degmada Saylac oo Xabaasha Marxuum Dheeg dusheeda kula hadlay Warbaahinta, ayaa layaab ka muujiyey sida aan Askarigaasi Dawladdiisa uga helin wixii uu xaqa ugu lahaa, maaddaama oo uu dhintay isagoo difaacaya Dalkiisa Somaliland, “Waxa dhacday Arrin fool xun, weli maanu arag Askari la leeyahay waa Askari oo haddana la leeyahay Dadkii Shacabka ahaa qaata oo Jabuuti ama meesha kale ee aad doontaan geysta.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo Sharraxaya sida gurmad la’aanta Marxuumku la kulmay intii aanu Geeriyoonin, “Markay Shacabkii soo qaadeen isagoo Sakaraad ahna uu dhexda ku go’ay.”

Odeyga oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha gudaha oo Safar uu Jabuuti kaga soo laabtay ku soo maray Saylac, aanu soo dul-joogsan Meydka Marxuumka iyo ehelkii Gacanta ku hayey intaan la aasin ka hor, “Halkan buu soo maray (Wasiirka Arrimaha guduhu) Askarigeygii halkuu yaallaa namoo odhanin, Odayaasha iyo Reerkii haystay Meydka Askariga waxba muu weydiin.”ayuu yidhi.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo Xalay Wargeyska Himilo waydiiyey sida ay Xukuumad ahaan u arkaan dhawaaqa ka soo yeedhay Ehelada iyo Qaramada Askarigaa, ayaa sheegay in Qoyska markii hore ay sii mareen Taliyaha Ilaalada Xeebaha iyo Wasiirka Kalluumaysigu.

Wasiirka oo ugu horeyn arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “ILAAHAY ha u naxariisto Ninkaa Xabaddu ku dhacday ee la dilay isagoo Shaqadii Qaranka gudanaya. Ciidammada Baddu waxay hoos-yimaaddaan Wasaaradda Arrimaha gudaha oo Wasiirkiina ku maqan yahay Xaggaa (Jabuuti), laakiin Dadku waa isku dareen oo xilligan looga jeedin in Reerku Cawdaan, waayo? Waxa sii maray Taliyaha Ciidammada ilaalada Xeebaha, Wasiirka Kalluumaysiga, waana la soo marayaa, haddana Dadku ma kala fadli badna ee sidii Ciidanka kaleba loo daryeelay ayuu mudan yahay in loo daryeelo.”

Wasiir Cadami oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Dadku way dhimanayaan, laakiin Dadkiisii uu u adeegayey iyo Dawladdiisii xitaa hadduu uu dhintay la xurmeeyaa oo wixii ka farcamay ee Maato iyo Carruur uu leeyahay wixii loo qaban karo loo qabtaa, Shilkaas oo kale markuu yimaaddana Ciidamadu way u siman yihiin, waana khasab in qolooyinkaa Maqan aanay hawl-yaridaa uga dhaqaaqin ee sidii ay markii horeba u sii mareen imikana u soo maraan oo wixii loo qaban karo la dhamaystiro.”ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews