berberatoday.com
Weligay Noloshayda tan oo kale intaan noola ima soo marin, Somaliland-na jiritaankeeda iyo intii Somaliland dhalatay ka hor tan oo kale ma soo marin.
March 21, 2016 - Written by Berbera Today

Weligay Noloshayda tan oo kale intaan noola ima soo marin, Somaliland-na jiritaankeeda iyo intii Somaliland dhalatay ka hor tan oo kale ma soo marin.

Saldanadda Subeer Awal maaha mid qudha salka ku haysa qabyaalad iyo qabiil, balse waa saldanadda labaad ee ugu faca weyn dhammaanba geyiga Somaliland (Marka laga reebo saladanadda Ciidagale) ka dib saldanaddii Ifat ee soo martay dhulka Somaliland qarnigii 17-aad.

Saldanaddani waxay tirsanaysa shan boqol oo sannadood taariikh iyo fac soo jiray oo lahaa dhaqan, xeer, xudun iyo xadaarad, waxay dib uga laabanaysa abtirsiintani Suldaan Xasan,Suldaan Cabdilaahi, Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Diiriye, Garaad Boon, Garaad Qayad.

Waxay Saldanadani kor u dhaaftay shanta boqol ee sannadood lahayd xeer lagu suntay saan geel dushiisa, waxay taariikhda iyo faca saldanadda soo martay wakhti iyo waayo adag oo dadka reer Somaliland soo mareen, waxaanay ka mid ahayd saldanadahii u horseeday dadka Somaliland ku nool inay ka madax bannaanaddaan gumaysigii ingiriiska iyadoo aan dhiig ku daadana gumaysigaasi ka baxo.

Saldanadda Subeer Awal waxay ahayd saldanadii ugu horaysay ee markii ingiriisku imanaayay dhulka Somaliland ku taliyay in iyadoo aan ingiriisku cagaha soo dhigin dhulka Somaliland bedda lagu kala saxeexdo heshiiskii caan baxay ee loo yaqaanay (Somaliland protectorate agreement).

Saldanaddii Suldaan Diiriye oo awoow u ahaa Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi waxay ahayd saldanadd xudunteedu taallo xeeb ilaa xeeb, oogo ilaa guban, oo furtay ganacsigii isku xidhay dhulka Soomaalida iyo gacanka cadmeed.

Xeerka 1-aad ee saldanadda ayaa dhigaayay in dhaxalka saldanaddu ku yimaado suldaanka wiilkiisa curdeed inuu dhaxlo, haddii si ay ku dhacdaba uu suldaanku wadi kari waayo hawlahiisa saldanaddda waxaa si ku meel gaadh ah u haynaya cid kasta oo Suldaanku wakiisho.

Allaha ha u naxariistee markii uu dhintay Suldaan Cabdilaahi oo ahaa Suldaan Cabdiraxmaan inankiisii curdeed, waxay saldanaddu sida xeerkeedu dhigaayay toos ay ugu wareegtay Suldaan Cabdirisaaq oo ahaa Suldaan Cabdilaahi wiilkiisii curdeed, balse nasiib darro Suldaan Cabdirisaaq wuxuu u wadi kari waayay hawshaasi si gaar ah maadama aanu dalka degenayn.

Wuxuu wakiishay adeerkii alla ha u naxariistee Suldaan Saxardiid Suldaan Cabdiraxmaan oo dhalasho ahaan ku soo xigay Aabahii, alla ha u naxariistee waxaa badhtamahii sagaashanaadkii geeriyooday Suldaan Saxardiid, waxaana marlabaad uu Suldaan Cabdirisaaq wakiishay adeerkii labaad ee ku xigay ahaana kii ugu danbeeyey caruurtii Suldaan Cabdiraxmaan oo ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiraxmaan, alla ha u naxariistee Suldaan Maxamed wuxuu geeriyooday isaguna 2006 dii.

Maadama aanu jirin qof reer Suldaan Cabdiraxmaan ah oo ka hadhay adeeradii Cabdirisaaq, waxaa xeerka saldanaddu uu toos ugu wareejinaya Cabdirisaaq walaaladii, oo ninka dhalasho ahaan ku soo xigay Suldaan Cabdirisaaq uu ahaa Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan.

Maanta waxaan xuuraamiyay, isla markaana baadhitaan ku sameeyey in waa marka hore eh, 1) uu Suldaan Cabdirisaaq yidhi walaalkay ha laga qaado saldanadda, arrintaasi waa been aan sal iyo raad toona lahayn oo meel ay ka timid iyo meel uu ku yidhi aanay jirin, Suldaan Cabdirisaaq na wuu iman doona Hargeysa insha allah isagaana arrinta beenin doona.

Ninka la caleemo saaray wuxuu qaatay inkaartii adeerkii, wuxuu jabiyay xeerkii iyo dhaqankii dhaxalka saldanadda, wuxuuna danbi culus ka gallay beesha Subeer Awal, oo waa marka koobaad eh wuxuu sameeyey waxaan dhaqanka iyo xeerka iyo xadaaradda beesha Subeer Awal marnaba hore u samayn, wuxuuna keenay waxaan caqliga iyo garashada caafimaadka qabta qaadan karin.

Waxaan usoo jeedinaya marka hore in sida ugu dhakhsaha badanleh uu ninka la caleemo saaray cafis uu u weydiisto saldanadda, waxaan sidoo kale usoo jeedinaya qoyska balaadhan ee reer Suldaan Diiriye inay dib iskugu noqdaan gudahooda.

Waxaan sidoo kale usoo jeedinaya af miisharadda, tuugta iyo inkaari ku dhacdayga keenay in maalin cad Saldanadii Subeer Awal ee taariikhda lahayd la dhaxal wareejiyo inay faraha ka qaadaan, hana ogaadaan in maalin maalmaha ka mid ah lala xisaabtami doono, inkaarna waa lagu ogyahay inkaari ku dhacday.

Waxaan halkani ku caddaynaya anigoo ku hadlaya magacayga iyo inta sharafta qoyskaasi ka soo jeeda oo ah reer Suldaan reer aanu dhiig iyo dhacaan nahay in Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, Suldaan Cabdiraxmaan uu yahay suldaanka rasmiga ah ee subeer awal.

N.B: Sawirka hoos ka muuqda waa sannadkii 1880 kii oo Suldaan Cabdilaahi loo caleemo saarayay Suldaanka guud ee beelaha subeer awal markii suldaan Cabdiraxmaan oo aabahii ahaa alla ha u naxariistee geeriyooday.

Mohammed Abdi Hassan Diridhaba's photo.
Mohammed Abdi Hassan Diridhaba's photo.
Mohammed Abdi Hassan Diridhaba's photo.
Mohammed Abdi Hassan Diridhaba's photo.

 

Mohammed Abdi Hassan Diridhaba
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews