berberatoday.com
Abwaan CASHUUR oo Tix Kooban Kaga Jawaabay Xatooyadii Uu Wasiir Caddaani Ku Eedeeyey Hawl-wadeennada Warfaafinta
March 22, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

“Wasaaraddaa camiran rag iyo dumar ciidan iyo rayidba, Caqligaagu waa kaas ku yidhi wada cambaareeye, Cidaad tahay sidaas uma dhaqmaan Ina Caddaanoow!!!” -Abw. C. C. Cashuur

“Waxa Wasaaradda Warfaafinta Ka Dhacay Fal-dambiyeed Lagu Jabsaday Qasnadda TV-ga Qaranka”- Wasiir  C. C. Caddaanicadaani

 

Hargeysa (Berberatoday.com) -Shaqaale weynaha iyo hawl-wadeennada wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka dhiidhiyey fadeexad ay sheegeen in wasiirka cusub ee wasaaraddaasi Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid u soo jiiday sumcaddoodii kadib markii uu ku dhawaaqay  in xatooyo ka dhacday xerada dhexdeeda isla markaana la jabsaday khasnaddii lacagta ee SLNTV. Abwaan Cabdiraxmaan Cumar Cashuur (Baadidoon) oo ka mid ah hal-abuurrada foollaadka ah ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ayaa tix gabay ah oo uu xalay curiyey waxaa uu kaga jawaabay hadalka wasiirka oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid aan looga fadhiyin wasiirku in uu fadeexad ka wada simo hawl-wadeennada wasaaraddaas.

Hadalka Wasiirka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta jamhuuriyadda Somaliland  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo  shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin fal uu ku tilmaamay amni-darro oo lagu jebiyey xafiis ka mid ah dhismayaasha TV-ga Qaranka, warar uu ku sheegay been abuur oo sheegayaY in uu jiro Khlilaaf ka dhexeeya isaga iyo wasiir ku xigeenkiisa iyo faahfaahin uu ka bixiyey isbedelada horumarineed ee uu ka wado Wasaaradda. shir jaraa’idkan ay goobjoog ka ahaayeen Wasiir ku xigeenka Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, Agaasimaha Guud Maxamed Cilmi Aadan, Maareeyaha TV-ga Qaranka Cabdi Cali Mahdi, La taliyayaasha Wasaaradda iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradaasi ayaa Wasiirku waxa  uu ugu horayn saxaafadda uga xogwarramay Falka amnidarada ah ee uu sheegay in uu gudaha wasaaradda ka dhacay waxana uu yidhi “Xalay waxaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ka dhacay fal dembi ah oo lagu jabsaday xafiiska Qasnajiga TV-ga Qaranka, markii aan subaxnimadii shaqada soo galay waxaan u imid xafiiskaa oo jaban oo ay inantii ku shaqaynaysay qaylinayso oo leedahay xafiiskii baa la iga jabsaday oo 5.900.000 laga qaatay, warbixintaa markay na siisay waxaanu u yeedhnay Taliyaha Booliska, waxana aanu wargelinay ciidanka baadhista dembiyada, waxaana socda baadhitaan ku aaddan falkaasi.” isagoo intaa ku daray in sababta keentay inay talLaabadaa qaadaan ay tahay in wasaaradda warfaafintu tahay xarun xaasaasi ah oo qiime weyn ugu fadhida Qaranka, hadii aan talaabo degdeg ah laga qaadin waxii dhacana ay suurogal tahay in la caadaysto falalka amnidarada ah ee kan la mid ah. Md Caddaani waxa kale oo uu beeniyey warar sheegayay in mudadii uu Wasaaradda joogay uu istaagay barnaamijkii tooska ahaa ee Telefishinka Qaranka, waxana Wasiirku wararkaa ku sheegay in ay yihiin kuwo la been abuuray, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi sidan: ‘Horta waxaan moodayey in warbaahinta oo dhami ay ogayd in waxii aanu isla qaadanay ay ahayd in la hubiyo sugnaanshaha warka la baahinayo, labo maalmood waxa shabakadaha qaarkood lagu baahinayey in intii aan wasaaradda joogay uu istaagay barnaamijkii Tooska loo baahin jiray ee TV-ga qaranku, waa war aan waxba ka jirin, barnaamijkaasi waxa uu istaagay 24 Bishii November ee sanadkii ina dhaafay, anna halkan (Wasaaradda) waxaan joogay  muddo sadex todobaad ah mudadaana waan ka shaqeeyey sidii barnaamijkaa dib loogu hagaajin lahaa, aniga oo agaasimihii farsamada ee wasaaradda u diray Dalka Thailand si arrinkaa degdeg loogu hagaajiyo. Waxaan sii daayey kharashkii ku baxayey, markaa kuwo soo qoraya waxaan leeyahay war Caddaani wax ku yeeli maysaane qaranka u tudha oo wararka aan sugnayn ee aad dadka u baahinaysaan ka daaya, anaguna hadaanu nahay hay’adii qaranka uga mas’uulka ahayd warbaahinta ka ogolaan mayno inan weriye ah oo fidmo abuuraya oo anshaxii saxaafadda baal maraya oo aan cidna u tudhayn, waxaanu wax ka qabashadiisa u maraynaa sharciga dalka u yaalla waana la xisaabtamaynaa.” iyadoo Maareeyaha TV-ga Qaranka Cabdi cali Mahdi oo isna shir Jaraa’idkaa ka hadlay uu xaqiijiyey in baahintii tooska ahayd ee TV-gu ay cillad farsamo u taagnayd tan iyo dhamaadkii bishii December 2015, Wasiirkuna markii uu wasaaradda yimid ka hawlgalay sidii loo cillad bixin lahaa, waxana maareeyuhu sheegay in qaybtaasi dhowaan  shaqo geli doonto iyadoo intii hore ka ballaadhan.

Jawaabta Abwaan Cashuur

cashuur

Abwaan Cabdiraxmaan Cumar Cashuur oo markii shalayuu wasiir Caddaani shirka jaraaid ku qabtay xafiiskiisa, kadib xalay curiyey tix gaaban oo uu ku cabirayo sida ay uga xun yihiin in wasiirku fadeexadeeyo shaqalalihiisa isla markaana uu ceeb u soo jiido, ayaa hungo madhan ku tilmaamay magacaabistiisa oo uu sheegay in ay hore ugu han weynaayeen. Tixdan afarrayda ah oo uu Abwaan Cashuur xalay soo gaadhsiiyey xarunta wargeyska HUBAAL ee magaallada Hargeysa waxaa uu ku bilaabay sidan:

Caantaynno Lumay dhibi ka badan, la Carrabaabaaye

Cidaad tahay sidaas uma dhaqmaan Ina Caddaanoowe

Ceebaysay Habar-yoonistii, cududa weyneyde

Wasaaraddaa camiran rag iyo dumar ciidan iyo rayidba

Caqligaagu waa kaas ku yidhi wada cambaareeye

Cirradaadanaa lagu dagtee, show cidlaad tahaye

Caynkaagan uunku uma diro kaalintaa culuse

Waxse na caayay madaxweynahaa kuu cumaamaday.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews