berberatoday.com
Kulan Komishanka, Axsaabta Iyo Xukuumaddu Ku Yeesheen Madaxtooyadda oo Aan Lagu Soo Qaadin Abaaraha Iyo Dareenadda Foosha Xun Ee Ka Dhashay
March 22, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan saddex geesooda oo habeen hore ka dhacay Xarunta qasriga madaxtooyadda somaliand islamarkaana ay wada yeesheen xukuumadda, komishanka iyo axsaabta qaranku islamarkaana uu goob joog ka ahaa madaxwaynaha Somaliland oo shirgudoominayay ayaa lagaga hadlay hawlaha dinwaangalinta doorashooyinka

muuse biixiiyadoo masuuliyiinta kulanka ka qaybgashay sheegeen in dinwaangalintu si wanaagsan u socoto islaamrkaana loo baahanyahay inaan lagu fara galin komishanka

inkastoo kulanka lagaga hadlayay hawlaha dinwaangalinta hadana lama soo hadal qaadin sida ay iskula jaanqaadi karaan abaaraaha baahsan ee dalka ka jira islamarkaana sababay dhimashadda dadka rayidka ah kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta qaranka ee uu ugu sareeyo madaxwaynuhu laguma soo hadal qaadin caqabadaha dinwaangalinta sida abaaraha balse waxa kulanka lagaga dhadhansanayay in madaxda saddex geesoodka ahi ay indhaha ka qarsanayaan duruufaha ay keentay abaarta dalka ka jirtaa ee ay galaafatay dad iyo xoolaba

waxaanay taasi keentay in bulshaddu dareeno fool xun oo muujinaya axmaqnimadda madaxdooda ka bixiyeen meelaha bulshaddu ku kulanto sida meheradaha lagu shaasheeyo iyo baraha bulshadda ayaa aad looga hadal hayay dareenadaas foosha xun ee ay ku kaceen masuuliyiinta qaranku

si kastaba ha ahaatee waxa ceeb iyo fadeexad qaranka ku ah in masuuliyiinta qaranka ee madaxwaynuhu ugu sareeyaa indhaha ka laliyay durufaha qalafsan ee jira taaso dastuurka Somaliland qeexayo in hadii aafo qaran ama colaado dalka ka dhacaan aan la qaban Karin doorasho iyo dinwaan galin midna waxaase calaamad su’aashu ka taagantahay madaxda qaranku miyay ku faraxsanyihiin dhibaatooyinka abareed ee bulshadooda ku habsatay

isku soo wada duuboo iyadoo xaaladda abaaareed ee dalku meel xun marayso ayay Somaliland ka socota dinwaangalin iyo roob doon is barbar socda waxaase iswaydiin mudan roob doon iyo dinwaangalin midkee bulshaddu iskugu soo baxdaa iyado ilaahay subxaanahuu watacalaa inoo sheegay in umadiisu marka ay isku naxarisato uu isna u naxariisan doono madaxda somalliland dadkooda miyay u naxaristeen jawaabtu waa maya waxaase hubaala in taariikhdu xusi doonto magac xumadda raacda madaxda Somaliland maanyta u arimisa

 

Axmed Aadan Rooble

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews