Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ku Dhaqan Caasimada Hargeysa Kula Tukaday Hargeysa Stadium Salaada Roobdoonta
March 22, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shacbiga ku dhaqan Caasimada Hargeysa kula tukaday Salaada Roobdoonta.

Salaada roobdoonta oo dalka oo dhan laga oogay ayaa madaxweynuhu kula tukaday garoonta kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium, Salaadan roobdoonta oo muddo sannad gudihii ah laba jeer madaxweynuhu la tukaday shacbiga gobolada Togdheer iyo Maroodijeex.