Madaxweyne Geele Oo La Sheegay Inuu Dacwad Ku Oogayo Shabakada Facebook –
March 22, 2016 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay inuu Maxkamadda Sare ee dalka Ireland oo ku taalla magaalladda Dublin u gudbinayo qoraal ka dhan ah Shirkadda Facebook oo ka mid ah Isku-xidhka Warbaahinadda ay Bulshadda ku xidhiidhaan.

Wargeyska Toddobaadlaha ee The Sunday times ee dalka Britain ayaa shaaciyay inuu Madaxweynuhu qarka u saaran yahay inuu Dacwadaasi u gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dublin, inkastoo aanay kala caddayn waxa uu Madaxweynuhu ku dacwoonayo.