berberatoday.com
Siciid Sulub Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Iyo Aragtidiisa Guddiga Ictiraaf Raadinta
March 22, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka,Wasiirna ka ahaa Xukuumaddii Daahir Rayaale, haddana ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in tan iyo intii Xukuumaddani jirtay inay qabyaaladii xadhkaha goosatay, waxaanu Xukuumadda kula taliyey in muddo xileedeedka kooban ee u hadhay inay ku dadaasho midnimada Bulshada, si fiicana ula dhaqanto Wadamada jaarka.

siciid sulub

Siyaasi Siciid Sulub Maxamed oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu arko Guddidii uu dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay Ictiraaf raadinta, waxaanu Guddidaas uu ku tilmaamay Golihii afraad ee qaranka, inkastoo uu rayi ahaan soo dhaweeyay, wuxuu haddana tilmaamay inay ahayd in wakhti hore la sameeyo guddigaas, waxaanu guddiga lafteeda u jeediyay tallooyin kala duwan. 

 Isagoo ugu horayn ka hadlaya xaaladda abaaraha, ganacsatadana ugu baaqaya inay dadkooda caawiyaan, wuxuu Siciid Sulub yidhi  “Waxa aan leeyahay ILLAAHAY abaarta ha inaga soo jabiyo Gacanta ILLAAHAY ayaa lagu baahi baxaa ee ILLAAHAY waxaynu ka baryeeynaa inuu cirkiisa roob khayr qaba inaga siiyo, dadka shacabka ah ee dhibaataysana dawladdu sidii la rabay ugumay gurman, Shacabka laftiisuna ma dhaliil la’a, waxa aan leeyahay ha la is caawiyo, ha la dadaalo, dadka abaaruhu hayaan shacab iyo dawladba ha loo gurmado, dawladdana waxa aan ku sii guubaabinayaa inay kordhiso waxtarka ama dadaalka ay wado, waxa laga yaaba inaanayy muddo dheer inagu qaadan ee muddadaas yar khasaarihii dhici lahaa ha laga hortago.

dunuub aynu galnay ayaa kolay la inaga jarayaa, sida ay u eegtahay, inta aan ognahay ee fawaaxishana ayaa waxa jira Tudhaale la’aan aan la isku tudhayn oo reer Somaliland, af iyo adin baan la iskugu tudhaynin, madaxdii iyo cid kasta la leeynayo af xumo kasta dalka ka dhacday,  Qabyaaladii ayaa xadhkaha goosatay, waxa aan leeyahay qabyaalada Warbaahinta lala soo fadhiisanayo tan iyo intii ay Xukuumaddani jirtay, oo qabyaalada lagu hadlayo, ee aan qaranimo la tixgelinayn, ee aan madax qaran la tixgelinayn, oo Xukun xumo u sabab tahay sida aan is leeyahay dadku ha ka waantoowbo, dawladdana waxa aan leeyahay mudada  idiin hadhay dadka walaalayntooda iyo midnimadooda iyo amniga ha laga shaqeeyo, jiiraankana hala tixgeliyo oo saaxibtinimo ha lagula dhaqmo, cidii inoo cadaw ah ee dagaal oogaysana ha laga war hayo, ayaan ku talin lahaa”

Siciid Sulub ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta wuxuu yidhi “Diiwaangelintu hawl loo baahnaa ayey ahayd, laakiin wakhti adag oo dalku abaaro ku jiro ayey ku beegantay, wakhti cidhiidhiya ayey ku beegantay,oo dadka iyo dalkaba ku cidhiidhiya, hore ayey u baahnayd inay fusho, hore ayaan uga hadlay, mar haddii ay ina soo guda gashay, oo awooda iyo dhaqaalaha la inaga caawiyey, oo wax aynu inagu leenahay aanay ahayn waxay ahayd inaynu wakhti hore qabsano, balse Goboladii ay ka qabsoontay si wacan ayey uga dhacday, Gobolada kalena si fiican ayey uga dhici doontaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo”.

Siciid Sulub mar uu ka hadlaayey sida uu arko Guddidii uu Madaxweynuhu u magacaabay Ictiraaf raadinta ayaa yidhi “Guddida loo magacaabay Ictiraaf raadinta wakhtigan gabaabsiga uu yahay muddo xileedkii  Madaxweynuhu, horta waa loo baahnaa in la sameeyo Guddi Ictiraaf raadin ah, oo dad khibrad leh kana daacad ah qadiyada Somaliland, balse markii ay xilka qabteen oo ay Xukuumaddani lahayd cid la tashan mayno, oo  Makhaayadaha  iyo magaalada la nooga talin maayo,  ayey ahayd in Guddidan la sameeyo, waxa kale oo ay ahayd in la sameeyo wakhtigii Shirkii Ingiriisku bilaabmayey, hadeer meel ayuun baa la soo gaadhsiin lahaa ayey ila tahay, laakiin imika waa dabayaaqo yeelkadeede haddii uu Madaxweynuhu gartay in wakhtigan Guddi la magacaabo, waxa loo baahan yahay in Guddidaasi dadaal sameeyso, inkasta oo Guddidani aanay Guddi  ahayn ee ay Gole tahay, maxa yeelay haddii ay Guddi labaatan iyo waxa la mid ah noqoto waa iska Gole, waxaanan u bixinaynaa Guddidan Golihii afraad ee Qaranka, markaas Golaha Ictiraaf raadintu, waxa aan kula talinayaa inay la tashadaan dadka wixii ay tuhunsan yihiin, inay arintaas wax ka tari karaan, inay tashadaan, dadkana la tashadaan, talo qaran oo loo dhan yahayna inay ku hawlgalaan kana fikiraan muddadaas dhawr iyo labaatanka sanno ah ee aan la ina ictiraafin maxaa u sababa, maxa inaga dhiman, waana in aanay ka fikirinuun in Turkiga uun la tago, qoladaas reer Konfureedkuna yimadaan oo la is hor fadhiista uun, laakiin waa inay qorshe la yimadaan, maaha in Turkiga uun loogu tago Rag ka yimid Somaliya oo dheel dheelaya ama daacad aan ka ahayn wada hadalada, laakiin sidii aynu Ictiraaf ku heli lahayn ha ku dadaaleen, oo wixii gudaheena ka dhimana u buuxsan lahayn, dabada wixii ka dhimana sidii aynu u heli lahayn waa inay falawgeeda galaan”.

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews