berberatoday.com
Wasiir Cadaani oo Shaqaalihii Warfaafinta Qabyaalad iyo Kala Qaybin Ka Dhex Bilaabay.
March 23, 2016 - Written by Berbera Today

Soomaalida ayaa waxay ku maah maahdaa” Dhubuq Dhubuqdaada Hore Dhabana Hays Danbey Ayey Leedahay”Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cadaani ayaa waxa uu mudooyinkii ugu danbeysay ka dhex bilaamay shaqaalaha wasaaradda warfaafinta qabyaalad iyo kala qaybin,wuxuu maraya wasiir Cadaani heer uu yidhaahdo horta qofkaasi waa qoloma? Heerka uu maraya wasiir cadaani ma jirto cid gaadhay,wuxuu bilaabay in uu kala qaybiyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta oo ah shaqaale midaysan oo wada walaalo ah,hadaba qabyaaladda iyo kala qaybinta uu bilaabay wasiir cadaani waxa la sheegay inay ku kaliftay fudaykiisa oo xad dhaaf ah iyo khibrad la’aam xaga shaqada ah,sidoo kale waxay muujinaysa fashilka durba uu kala kulmay shaqada qaranka ee culus ee loo dhiibay,dhawaan ayey ahayd markii wasiir cadaani uu shaqaalihiisa ku sheegay tuug,taasi oo fadeexad ku ah shaqaalihiisa iyo dhexgalka bulshada,dad badan oo reer Somaliland ah ayaa la yaabay sida foosha xun ee wasiir cadani ula dhaqmay shaqaalihiisa ee uu u fadeexadeeyey,balse fadeexadda waxa ka daran kala qaybinta iyo qabyaaladda uu ku bilaabay shaqaalaha wasaaradda warfaafinta.

Ari ntan ayaa hadii aan madaxweyne Siilaanyo si deg deg ah wax uga qaban keeni doonta cawaaqib xumadeeda isla markaana dhaawac u geysan doonta midnimadda iyo wada shaqeynta shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Somaliland,waxayna khatar ku tahay wada jirka shaqaalaha iyo shaqadaba,wasiir cadaani ayaa waxa la odhan karaa wuxuu faafinaya qabyaaladda oo ah cudur halis ah oo bulshada marka horeba aafeeyey,waxayna keenaysa hadii aan madaxweyne Siilaanyo xilka ka eryin wasiir cadaani inay shaqaaluhu qabiil qabiil isku kala saaraan oo isku dhac ku yimaado shaqaalaha wasaaradda warfaafinta ee wasiirku ku bilaabay qabyaaladda iyo kala qaybinta.

Ugu danbeyntii waxa muhiim ah in dhamaan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Somaliland ay ka midoobaan shirqooladda qabyaaladaysan iyo kala qaybinta uu wasiir cadaani kula dhex jiro,waana waajib inay dhamaan suxufiyiinta Somaliland ka hortagaan dhibaatooyinka la xidhiidha saxaafadda ee uu ku soo kordhinayo Wasiir Cadaani,waxana lagama maarmaan ah in cid kasta oo danaynaysa horumarka wasaaradda warfaafinta iyo guud ahaanba Saxaafadda somliland ka foojinaadaan dabinada xun xun ee uu u maleegayo Wasiir Cadaani,sidoo kale saxaafadda Somaliland ha ogaadaan in Wasiir Cadaani soo wado xeerar iyo amaro guracan oo uu soo wada iyo qorshe ku dhisan kale qaybinta iyo qaybaaladeynta Saxaafadda Somaliland guud ahaanba,marka kol hadii uu wasiir Cadaani noqday ninkaasi fudud ee wax kasta ka suurto geliso waa in laga taxadaraa oo laga hortagaa shirqooladda Wasiirka Warfaafinta Somaliland CADAANI.

Qalinkii: Ali Nuur

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews