berberatoday.com
Beljamka Oo Raadinayan Nin Ku Lug Lahaa Weeraradii Brussels
March 23, 2016 - Written by Berbera Today

Brugless(Berberatoday.com)-Booliska dalka Beljamka ayaa baadi goobaya nin loo doon-doonayo qaraxyadii Talaadadii ka dhacay magaalada Brussels ee xarunta dalka Beljamka.

160323031237_zaventem_bombings_suspect_512x288__nocredit

Ninkaasi ayaa sawirkiisa waxaa laga arkay kaameerooyinka ammaanka ee ku rakibnaa garoonka caalamaiga ah ee magaaladaasi ee ay qaraxyada ka dheceen.

Saraakiisha dalkaasi Beljamka ayaa sheegaya in labo nin oo kale oo ninkaasi ku wehliyay weerarkii garoonka ay is qarxiyen.

Qaraxyadii ka dhacay garoonka diyaaradaha iyo maxaddada tareenka ee dhulka hoostiisa ayaa waxaa ku dhintay 34 qof halka 250 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Booliska ayaa ugu baaqay dadkii qaraxyadaasi ku duubay moobeeladooda iyo kaameerooyinka in ay ka caawiyaan baaritaanka.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay gudaha magaalada, waxaana booliska ay gacanta ku soo dhigeen kiimiko, waxyaabaha qarxa iyo calanka kooxda khilaafada islaamka kaddib markii ay hawlgal ka fuliyeen xaafad ka mid ah magaaladaasi Brussels.

Weeraradani ayaa waxaa sheegtay kooxda Khilaafada Islaamka, waxa ayna ku soo beegmayaan afar maalmood kaddib markii Brussels lagu qabtay Saalax Cabdisalaam oo baarayaasha dalkaasi ay sheegayaan in uu ku lug lahaa weerarkii sanadkii hore ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Source BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews