berberatoday.com
Fashilaadda Xukuumadda Kulmiye Ee Abaaraha
March 23, 2016 - Written by Berbera Today
Fashilaadda Xukuumadda Kulmiye Ee Abaaraha

Afartan sanno(40yrs) indhahayga ilmo kamay iman ilaa aan maalin dhowayd soo arkay dad reer Somaliland ah iyo xoolahoodii oo abaarahu ramiimka ka dhigeen,badh dhinteen,intii soo hadhayna dad iyo xoolo is-dul jiifaan!
Aafooyinka alle keeno aadamigu wuu bartay inay waqtiyada qaar ku adagtahay inay waajahaan ilayn waa naf-yare.Balse dawladaha kala duwan ee aduunku gaar ahaan dalalka ay ku badanyahiin duufaanada,dhul-gareerka iyo abaarahu waxay sameeyaan qorshe lagaga hortaago si looga diyaar garoobo dhibaatooyinka ka dhasha.Hadaba markaynu ka hadlayno dalkan JSL waxa la raacayaa dalalka loo yaqaano Sub-sahara,markay sida tahay waxaynu ka qayb nahay dalalka roobabku ku yar-yahiin ee abaarahu ku badan-yahiin.Markay sidaa tahay,xukuumada hadba hogaanka dalka haysa waxa qasab ku ah inay qorshe adag ka yeelato ka hortagga abaaraha.Qorshaha aan u jeedaa maaha saliid iyo daqiiq lala cararo goor dad iyo xooloba dhinteen,maaha caagado biyo ah(Mineral water) oo aan waxba ka tarayn xoolo baad iyo biyo si joogto ah ugu baahan balse waxa ka mid ah:
1.Ceelal iyo baliyo laga qodo dhulka xoola daaqa ah.
2.Moosas biyo celin ah laga sameeyo dhamaan bananka dalka.
3.Aduun gaar ah loogu daro miisaaniyada dalka.
Waxa la yaab leh xukuumada kulmiye ee dhukan qaabka ay abaaraha u waajahdo,kaba soo qaad tan haatan dalka oo dhan ku habsatay waxaad arkaysa xukuumadii kulmiye oo ku dhex salbabakhday shacabkii abaartu ku habsatay oo dhex muquuranaysa ganacsatada,shaqaalaha iyo ardayda oo ku dhawaaqaysa hayaay ka kacaay,abaaraha u kacaay,hada dadkan ay wax ka guraysaa waxay garab ka yahiin dadka abaarahu haleeleen,waayo waynu ognahay dadka magaalooyinka jooga iyo kuwa miyiga jooga inay isku xidhan-yahiin oo iyagu iskood horaba u bilaabeen ka qayb qaadashada nolosha xoola dhaqatada.Waxaynu ognahay qoys kasta oo Somalilander ah inuu miyi iyo magalo u qaybsanyahay,ta meesha ka maqani waa waxqabadkii xukuumadu ka masuulka tahay ee loo doortay,ummadu umay dooraan derbiyo indho-sarcaad ah oo xafiisyadooda lagu wareejiyo,looma dooran inay shacabka qabiil u qaybiso,looma dooran inay iibka hantida guud ee ummada ka dhaxaysa,looma dooran inay saq-dhexe mindiyo la dhex gasho xisbiga ucid oo ay xabaal ku rido,looma dooran inay muse biixi u gawracaan xisbul xaakimka hadana faash uu kurka iskaga gooyo u dhiibaan ee waxa la doortay inay xoog saaraan:
1.Soo saarida biyaha.
2.Wax soo saarka beeraha.
3.Soo saaraan aqoon-yahano gaar u ah biyaha,beeraha iyo xoolaha.
Xukuumada kulmiye waxay dadkii ku mashquulisay wadooyin shacabku iskood u dhisanayaan,waa ta ceeri-gaabo,waa ta Bali-gubadle,waa ta Salaxley iyo ta dawga cad.Miyaanay xukuumadu u xil saarnayn inay wadooyinka iyadu dhisto,ma iskaa wax u qabso ayuun buu dalku ku jiri ilaa tii Afweyne.Waa yaabe bal u fiirsada miyuu jiraa nin ka tirsan Fulinta,Guurtida ama wakiilada oo aan wadan baabuurta dalka ugu qaalisan,miyuu jiraa nin aan guryo dhisan mise ma jiraa nin aan taajir ahayni.Hada xaga kale eeg,miyaa dastuurkii iyo shuruucdii dalka lagu hogaamiyaa,saw inta badan dhibaatooyinka laguma dhameeyo dhaqan,bal dib u xasuuso dhibaatada dilalka ee ciidamada dhexdooda ka dhacay intii ay xukuumadani dalka ka talinaysay.Waad aragtaanoo maanta waxba inooma noola,arrimaha dibada,tii gudaha,ictraafkii,cadaaladii iyo noloshiiba xabaal ayay ku riday xukuumadan dhukkan ee dalka hogaamisaa.
Waxan ku af-jarayaa,shacabyow hurdaa idinkaa halkaa is-dhigay oo mar kasta doorta ka idin gawracaya ee bal doorkan ka fiirsada oo hubsada cida aad doonaysaan inaad ku bedeshaan kuwan maanta dalka hogaamiya.Meella inoo wadi mayso inaynu hadba nasasho u baahan kursiga saarno ama mid dhul-jiif ah.
Xuseen Xasan Badmaax
Human Rights Secr.
UCID
Badmah100@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews