berberatoday.com
Gabadhu dhalasho iyo dhaxdin midna ma laha!!!
March 23, 2016 - Written by Berbera Today

rrHaddii aan wax laga qaban sidan ay wax u socdaan, horumar iyo cadaaladi midna iman mayso. Shacabka Somaliland haweenka waxaa lagu qiyasaa 60% inay yihiin haddii anay kaba badnayn. Dhinac walba marka laga eegana laf dhabarta wadanku ku taaganyahay waa iyaga, haddana wax xuquuqa kuma laha kursiga siyaasada. Waxaan ahay muwaadinad u dhalatay Somaliland, waxaan ku jiray siyaasada Finland mudo 16 sano oon xildhibaan ka ahay, halkaas oon ka noqday qofkii ugu horeeyay ee mayar ku xigeen loo doorto golaha deeganka Turku. Markii hami siyasadeed i galay sanadkii 2000 ayaan u tegay xisbiyagii qaranka ee dalka Finland ka jiray, xisbigii aan waydiiyayba inaan iska soo sharaxi karo waxay iigu jawaabeen gacmo furan ku soo dhawow. Kii markaa siyaasadiisu i qanciyay ayaan iska sharaxay 2000 kuna guulaystay. 4 jeer ayaan isa soo sharaxay alxamdu lilaah waanan ku wada guuleystay. Waxaase murugo leh markii wadankaan u dhashay hami siyaasadeed iga galay. Intaan xisbiba laysla gaadhin maxaan kala kulmay?. Waxaan 2015 waydiiya reerkaan ka soo jeedo hadaan isa soo sharaxo ma lay dooranayaa, waxa laygu jawaabay intay ragu taganyihiin maya. Reer abtigay ayaan waydiiyay, sidoo kale ayaa laygu jawaabay way adagtahay inaanu cod ku siino, sabatoo ah waxaa taagan rag reerka, sidoo ka reerka ay caruurtaydu yihiin, maya ayay jawaabtii noqotay. Hadaba hadii hami siyaasadeed i galay micnuhu ma ha isa soo lug goyn baa? Haddii aan doonaayo inaan umadayda wax u qabto oo kibradii aan ka helay siyaasada Finland ma la joog Finland baa? Maxayse dumarku u fikiri waayeen oo codkooda go`aan ugu yeelan waayeen?

 

 

 

Xildhiban Roda Abdillahi Hassan Finland, Turku

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews