berberatoday.com
Guddoomiyaha KULMIYE oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Ugu Jira Xisbiga
March 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi ee doorashada soo socota Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa casuumad qado ah u sameeyey xildhibaanada golaha wakiilada u matala xisbiga Kulmiye.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiin xisbiga ah oo wehelinayey iyo mudanayaasha KULMIYE ee Wakiillada waxay iska warraysteen arrimaha kala duwan oo ku wajahan dhinacyada xaaladaha nololeed iyo siyaasadda dalka.

Qodobada lagaga wadahadalay kulanka waxa ka mid ahaa xaaladda abaarta daran ee ka taagan dalka iyo dadaallada gurmadka dadka la gaadhsiinayo oo la istusay in la sii dardargeliyo, sidoo kalena waxa la iska waraystay diiwaangelinta codbixiyayaasha ka socota gobolkii saddexaad oo ah Saaxil iyo degmooyinka Gabiley iyo Balli-gubadle, iyadoo xildhibaannada lagu dardaaray inay ka qaybqaataan wacyigelinta iyo dhiirrigelinta dadweynaha ee is-diiwaangelinta.

Waxa kaloo madaxda KULMIYE iyo xildhibaannada ugu jira Wakiilladu wax iska waydiiyeen hawlaha doorashooyinka madaxtinimada iyo Baarlamaanka ee soo socda iyo sida loogu baahan yahay in xisbigu si wayn ugu diyaargaroobo.

Ugu dambayntii, hoggaanka KULMIYE iyo mudanayaasha u matala aqalka Wakiillada Somaliland waxay isla qaateen inay isugu yimaadaan kulamo kale oo qayb ka ah wadatashiyada xisbiga.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews