Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Safar Aan Hore Loo Shaacin Ugu Baxay Dalka Itoobiya
March 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar deg dag ah oo aan hore loo sii shaacin goor dhaweyd ugu baxay dalkaasi Itoobiya.
Illaa hadda lama oga u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa safarkan deg daga ah ee guddoomiye Cirro ugu baxay dalkaasi Itoobiya, balse sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Cirro uu goor dhaweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaana wararku sheegayaan in halkaas ay ku sii sagootiyeen guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, Siyaasi Keyse Cali Geedi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbigaasi.