Madaxweynayaasha waddamada Maraykanka Iyo Cuba Oo Kulan Ay Yeesheen Isugu Gudbiyey Aragtiyo Kala Fog
March 23, 2016 - Written by Berbera Today
Cuba(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka maraykanka mr Brack Obama ayaa booqasho uu ku tagay dalka Cuba, waxa uu xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxweynaha dalkaasi. Kulankaasi labada madaxweyne dhexmaray ayaa ay si toos ah isugu gudbiyeen eedo iyo tallooyin uu midba midka kale u jeedinayo.
Labadan Madaxweyne Arrimaha ay sida weyn ugu kala qaybsan yihiin ayaa waxa ka mid ah dimuquraadiyadda iyo arrimaha la xiriira xaquuqul insaanka.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in xidhiidhka u dhaxeeya labada waddan uu gaadhi karo meel wanaagsan haddii Cuba ay horumar ka sameyso isbadalada dhanka siyaasadda iyo xaquuqul insaanka.