berberatoday.com
“Saaxaday Ka Baxaysaa Cidii Ka Dambaysay Duulaankii Lagu Soo Qaaday Sandalad”Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan Diiriye
March 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa si adag uga hadlay weerarkii qaawanaa ee lagu soo qaaday saldanada faca-weyn ee Subeeriyada isla mar ahaantaana suldaanka gacan ku rimiska ah lagaga soo daba raray saldanadaasi, waxaana uu sheegay in ciddii nusqaantaas u geysatay saldanada Subeeriyada ay saaxadda ka bixi doonto, isaga oo si weyn u boggaadiyey guud ahaan shacabkii kala duwanaa ee gudo iyo dibadba meel uga soo wada jeestay difaacidda saldanada faca-weyn ee taajka Subeeriyada.

Suldaan Xasan  Sudlaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta ka hadlaayey munaasibad ballaadhan oo lagu difaacayey sida oo kalena lagu muujinaayey taageerada buuxda ee beelaha Subeer Awal ay u hayaan saladanada uu hayo suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo ay ka soo qeyb-galeen madaxdhaqameedka, siyaasiyiinta,mujaahidiinta iyo dhallinyarada beelaha Subeer Awal kana qabsoomay hotel Xaraf ee Hargeysa, ayaa waxa uu ugu horreyn hambalyeeyey dad isa soo xil qaamay ee madashaas sida milgha leh u soo buuxiyey iyaga oo muujinaaya dareenkooda jaceyl ee ay u qabaan saldanada Subeeriyada.

“Waxa aan madashan u soo istaagay waa mahadnaq iyo duco,marka ugu horreysa waxa aan u mahad naqayaa Illaaha rabbil caalamiinka ah ee suurto-geliyey in maanta beel weynta Subeer Awal iyo xulafadoodu ay halkaas ku muujiyeen cissiga ay u hayaan, karaamada ay u hayaan, sharafka ay u hayaan, qadarinta ay u hayaan, qiimaha ay u hayaan saldanadooda iyo taajkooda lama taabtaanka ah ee sidaas muujiyey ayaan u mahad-naqayaa, waxa aan mahad ballaadhan u soo jeedinayaa gudo iyo dibadba siyaasiyiinta, mujaahidiinta, sulaadiinta, cuqaasha, boqorada iyo dhammaanba dhallinyarta oo idil, waxaana aan si gaara ugu sii mahad-naqaya dhallinyarta kala duwan ee bogaga facebuuga ka sameeyey taxriirka aanay u kala hadhin.”.Ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Dhagax weliba meeshii la dhigo ayuu yaalaa, saldanadu way abtirsataa, xeerbay lee dahay , xudunbay lee dahay, xeerka ay lee dahay iyo xudunteedana waxa saldhig u ah in wiil iyo walaalba lagu qaadacay, waxa la yidhi haddii lagu sheelana waa la  sheelaa, haddii lagu sheegana waa la sheegaa, gudo iyo dibadbana waa la sheegay, taas ayaana aan idin ku hambalyeynayaa, dad iyo duunyana Alle ha idin barakeeyo.”.

Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal, ayaa isaga oo ka hadlaaya aragtidiisa ku aadan ciddii ka dambeysay weerarkii lagu soo qaaday saldanada Subeeriyada siddii loo burburin lahaa, ayaa waxa uu yihi:”Nusqaantaa maanta ciddii keentay waa ay is gowracaysaa, saaxaddana waa ay ka baxaysaa. Raxmaadka Eebe ha innoo shubo, tawfiiqdana Illaahay ha ina waa fajiyo.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews